Liibiya Oo Kumannaan Geel Ah Kasoo Daabulatay Australia

0
Saturday February 22, 2020 - 08:50:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liibiya Oo Kumannaan Geel Ah Kasoo Daabulatay Australia

    Waxaa dekedda Liibiya laga daadgureeyay ilaa 3,000 oo Geel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa dekedda Liibiya laga daadgureeyay ilaa 3,000 oo Geel ah kaddib markii madaafiic lagu weeraray dekedda.

 

Geelan ayaa laga soo daabulay dalka Australia.

 

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Geela laga soo dejiyay dekedda loona waday dhinaca magaalada ku taal galbeedka ee Zawiya, halkaas oo saaka la geeyay.

 

Qaar kamid ah Geela ayaa lagu dhacay gudaha Liibiya, sida laga soo xigtay Reuters.

 

Dowladda Australia ayaa horraantii sannadkan bilowday toogashada In ka badan 10,000 oo geel ah Australia, gaar ahaan dhinaca koonfureed ee dalkaas, ka dib markii ay dadka biyaha ku ciriiriyeen xilli ay jiraan kuleyl daran iyo abaar baahsan.

 

Waxaa lasoo xigtay mid kamid ah ganacsatada oo sheegayo in maleeshiyaad hubeysan ay ka dhaceen 125 kamid ah Geela laga soo daabulay Australia.

 

Muuqaalka Geela Australia ee la geeyay Tripoli ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

BBC


Loading...
Loading...