Isbalada Geeska Afrika Oo Itoobiya Iyo Imaaraadku Horboodayaan, Isdiidsiinta Muuse Biixi Iyo Saamaynta Somaliland
Hargeysa(HWN):-Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay isbadalada ka socda geeska Afrika ee Hogaamiye Muuse Biixi uu u muuqdo inuu is diidsiinayo.
Proff Cali Khaliif oo ka hadlayey munaasibad ka dhacday Hargeysa ayaa sheegay in somaliland ay ku khasban tahay inay wada hadal la gasho soomaaliya isaga oo soo bandhigay cawaaqibka ay somaliland ka wajahi karto hadii ay la jaanqaadi waydo isbalada haatan ka socda geeska Afrika.
Proff Cali Khaliif ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Ama jeclaada ama ha jeclaanina waar khasab ayey inagu tahay inaynu soomaaliya wada hadaladii yeelano laakiin halkaas duleedka inta aan istaago ayaan ka doob doobinayaa oo waa cadhaysnahay war maaha taasi, hadana waxay u eeg tahay in imaaraadka iyo Itoobiya qorshe ay leeyihiin ay ku dhaqaan geeska Afrika, inta aynu soomaalida is riix riixayno ama Itoobiya aynu mar lahaayn waa cadawgayaga koowaad marna loo kala dheeraynayey arintu maanta halka ay maraysaa waa in qorshaha Imaaraadka iyo Itoobiya ay wadaan aynaan ka gilgilan Karin burhaana iskuma akhriyi karno, arintaasina talo ayey u baahan tahay war sugan inaynu hayno ayeynu u baahan nahay, yaa inoo tol siyaasadeed ah, yaa inoo ehel ah, yaa inoo hiilinaya oo aynu arinteena u dhiibanaa.”
Proff Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "bahashu haday noqoto inaga ayuunbaa halkan isku muuqana oo is xabeebinayna oo cid inaga fiicani ma jirto waxaan leeyahay waa laynaga fiican yahay oo waa laynaga awood badan yahay oo waa laynaga xeelad fiican yahay waa laynaga dhaqaale badan yahay.”
Sidoo kale Proff Cali Khaliif waxa uu soo bandhigay dhibaatada ay somaliland ka wajahayso hadii uu hirgelo qorshaha Itoobiya Iyo Imaaraadka "Mudo laba sano ku dhaw ayaan Hargeysa joogaa, tii aad ku jabi lahaydeen ayaana jarteedii laydiin dhigay waxaanay tahay taasi in hadii ay imaaraadka iyo Itoobiya ay gacan siiyaan dawlada dhexe ee soomaaliya waxay doonayaan in khayraadka iyo goobaha muhiimka ah ee ku yaala somaliland inay ku midoobaan oo ay ka wada faa,iidaystaan, hadana dekeda Berbera saamiga ay ku leeyihiin labadoodu inaga badan, hadii ay labadoodu isku raacaan inay gacan siiyaan dawlada dhexe ee soomaaliya waxaan u malaynayaa in arintaasi ay aad u wiiqayso nolosheena.”