Taariikhda Wahaabiyada:

0
Tuesday February 18, 2020 - 09:34:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Wahaabiyada:

    Salafiyada wahaabiyada ama salafiyada tawxiidka waa weedho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salafiyada wahaabiyada ama salafiyada tawxiidka waa weedho
ka tarjumaya magaca kooxdaa cusub ee islaamiyiiinta ah.

Wahaabiyada waxa aas-aasay oo taariikhda markii ugu horeysay bundhigay maxamed ibu cabdiwahaab waxaanu ka aas-aasay mandaqada najid oo ku taal badhtamaha jasiiratu carab taariikhda uu maxamed cadiwahaab aas-aasay ama sameeyey wahaabiyada waxa ay ku beegnayd dabayaaqadii qarnigii 12aad ee taariikhda hijriyada taas oo ku beegan qarnigii 18aad ee taariikhda miilaadiga.



Magaca wahaabiya wuxu ka yimi magaca aas-aasaha oo ahaa maxamed ibnu cabdiwahaab sidaas ayaana loogu wanqalay(wahaabiya).


Abtirka hogaamiyaha kooxda wahaabiyadu wuxu ahaa maxamed ibnu cabdiwahaab, ibnu sulaymaan, ibnu cali, ibnu axmed, ibnu raashid,ibnu bariid, muxamed ibnu bariid, mushrif oo kasoo jeeda reer mushrif kuwaas oo kasoo jeeda reer wahba oo iyaguna kamid ah qabiilada reer tamiim ee caanka ahaa.


Maxamed cabdiwahaab awoowgii alle ha u naxariistee wuxu ahaa caalimkii iyo muftigii magaalada najid, sidoo kale maxamed cabdiwahaab aabihii cabdihaab wuxu ahaa qaadigii magaalada cuyeyna.


Maxamed cabdiwahaab wuxu dhashay sanadii 1115 hijriyada, taariikhdaas oo ku beegan 1703 taariikhda miilaadiga, wuxu ku dhashay magaalada cuyeeyna oo ka tirsan dalweynaha sucuudi Arabia.


Xaalkii Musliinta Ka Hor Maxamed Cabdiwahaab:

 Xaalka musliinta ka hor maxamed cabdiwahaab wuxu ahaa mid cilmiga laga jeestay oo shirkigu aad u faafay iyo khuraafaadka ay dadyoowga islaamka ku abtirsadaa ay aad u aaminsanaayeen.


Magaalada najid ee uu sheekh maxamed cabdiwahaab ku barbaaray ka hor waxay ahaayeen kuwo ka fog kana tegay kasmada diinta islaamka waxaanay u leexdeen khuraafadka iyo la wadaajinta cibaadada eebe cid kale oo aan gar u lahayn, waxaanay ku sugnaayeen wadadii ay jaahiliyadu ku sugnayd xiligii nebigeena muxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ay ku sugnaayeen,waxay isku xidhi jireen talona saran jireen cid aan eebe weyne ahayn sida saalixiinta, awliyada, marar kale waxay cibaadada eebe la wadaajin jireen sanamyada qaarkood.


Sidaas ayaanay ahaayeen reer najid intii maxamed cabdiwahaab aanu u soo bixin korna aanu u qaadin dacwada ku dhisan eebe oo cibaadada keligii loola yimaado ama tawxiidka.

 

Soo Ifbixii Maxamed Ibnu Cabdi Wahaab:

meeshii ugu horaysay ee ay kabilaabantay kooxdan maxamed cabdiwahaab horjooga ka yahay waxay ahayd magaalada cuyeeyna kobtaas oo ahayd barimadii uu ku barbaaray.


Wuxu bilaabay inu faafiyo caqiidadii tawxiidka ee gundhigeedu ahaa in eebe weyne keligii la caabudo, la baryo, kaalmo la weydiisto, waxkastoo noloshana ku saabsana diintiisa loo daba fadhiisto, wuxu si badheedha uga horyimid qubuurihii ay dadka qaarkood cibaadada u iman jireen, halkaasna ay dad dhintay ku baryi jireen, dhirtii iyo qardhaasihii ay adeegsan jireen cibaado ahaana u aaminsanaayeen ayuu sheekhu markiiba dadka ka waaniyey.


Muxamed cabdiwahaab geed dheer iyo mid gaabanba wuu u fuulay sidii uu dadweynaha muslimka ah ee dunida ku nool uu shirkigaa uga saari lahaa wuxu u diyaar garoobay sidii uu qubuuraha ay caabudaan u baa’biin lahaa arintaana wax ka gacan siiyey cismaan ibnu mucamar amiirkii cuyeyna.


Wixii ugu horeeyey ee maxamed cabdiwahaab iyo kooxdiisuba ay qabtaan waxay ahayd isku daygii burburintii qudbigii weynaa ee sayid khadaab oo ahaa qudbi ay dadku baryi jireen kana barakaysan jireen, maxamed cabdiwahaab isagoo wata 600 nin iyo saaxiibkiisii cusmaan ayaa yimi magaalada jabiila waxaanu u sheegay dadkii degaanka inu u socdo duminta qudbigaas, dadkii reer jabiila way diideen bur-burinta qudbiga, markii dadkii deegaanku arkeen hogaamiye cusmaan ibnu mucamar  iyo ciidankiisa way baqdeen waxaanay  ogolaadeen duminta qudbiga, sidaas ayaa maxamed cabdiwahaab ku dumiyey qudbigii baryada loo aadi jirey.

 

Maxamed cabdiwahaab waxyaabihii ugu horeeyey ee ka shaqeeyey waxa kamid ahaa ku dhaqada diinta islaaka iyo sidoo kale oofinta xuduuda eebe weyne dhigay ee diinta ku astaysan, sidoo kale maxamed cabdiwahaab wuxu deegaanada ka bilaabay faafinta cilmiga diinta islaamka iyo culuumta kasmada quraanka eebe weyne iyo sidoo kale barashada cilmiga xadiiska, fiqiga, iyo sidoo kale wuxu kor u qaaday barashada luuqada carabiga.

 

ISBAHAYSIGII MAXAMED CABDIWAHAAB IYO IBNU MASCUUD:

Taariikhdu markay maraysay 1115 hijriyada magaalada darciya waxa is gaashaan buuraysi sameeyey maxamed cabiwahaab iyo amiirkii magaalada magaalada Najid oo magaciisu ahaa (maxamed binu sacuud) oo ah aas-aasaha iyo bud-dhigaha koowaad ee dawlada sacuudi Arabiya, waxaanay kobtaa kaga dhawaaqeen istaageerid dhab ah oo xaga diinta ah, maxamed cabdiwahaab wuxu kula heshiiyey amiirka magaalada maxamed binu sacuud inu si dhab ah ugu hogaansami doono, dhabna u maqli doono ugana amar qaadan doono amiirka magaalada maxamed binu sacuud, arintaas oo islaamka dhexdiisa loo yaqaan mucaahado, heshiiskaas ay wada galeen maxamed binu sacuud iyo maxamed cabdiwahaab wuxu aas-aas u noqday guulaha ay gaadhay xarakadii salafiyada wahaabiyada ee hormuudka u ahaa maxamed cabdiwahaab, sidaasna waxay salafiyada wahaabiyadu ka heshay maxamed binu sacuud ilaalin siyaasi ah iyo mid milateriba.


Maxamed binu sacuud wuxu kula heshiiyey maxamed cabdiwahaab fidinta diinta islaamka waxaanu u balanqaaday in aan meelna laga horjoogsan magaalada darciya sidaas ayaanay waqti aan badnayn magaaladu ku noqotay mid taabacsan salafiyada cusub ee maxamed cabdiwahaab.


DAGAALADII SALAFIYADA WAHAABIYADA EE JASIIRADA CARABTA:

Kadib markii ay si dhaba u dageen magaalada darciya salafiyada wahaabiyadu wuxu maxamed cabdiwahaab amray kooxdiisii in jihaad la gala-bixiyo, sheekhu wuxu dadka ku tir-tirsiiyey oo ku dhiirigaliyey dagaalka iyo jihaadka.


Sanadkii 1158 hijriyada ayaa waxa salafiyada wahaabiyada u bilaabmay dagaalo sil-silado  ah oo lagu qaadayo magaalooyinka ay degaan cidkasta oo kasoo horjeeda iyagoo ku tilmaamay cidkasta oo kasoo horjeeda kuwa mushrikiin ah oo diinta eebe weyne cidkale la wadaajiyey, sidoo kalena ku tilmaamay inay samaysteen rabiyo ay caabudaan.


Taariikhdu markay maraysay 1212 hijriyada salafiyada wahaabiyadu ee uu hogaamiyo maxamed cabdiwahaab waxay ku duuleen carabtii deganayd shaam sida uu soo tebiyo taariikhyahanka weyn ee muslimka ah ee ibnu bashiir.


Sidoo kale taariikhdu markay maraysay 1216 hijriyada salafiyada wahaabiyadu ee uu hogaamiyo maxamed cabdiwahaab waxay ku duuleen magaalada (karbala) waxaanay magaaladaa ku qaadeen dagaal qadhaadh oo badiba ku laayeen dadkii deganaa magaalada, sidoo kale waxay dumiyeen qudbiyadii iyo qabriyadii ay baryada u tegi jireen, salafiyada wahaabiyada ee uu hogaamiyo maxamed cabdiwahaab waxay kobtaa ka qaateen wixii karbala yiiley ee maal ahaa, hub ahaa, dhar ahaa, dahab ahaa, maryo ahaa, iyo sidoo kale kutubkii qaaliga ahayd ee ay reer karbala haysteen dhamaan waxaas oo dhan salafiyadu way taabeen.


 Taariikhdu markay maraysay 1217 hijriyada salafiyada wahaabiyadu ee uu hogaamiyo maxamed cabdiwahaab waxay ku duuleen magaalada (Daa’if).


Taariikhdu markay maraysay 1217 hijriyada salafiyada wahaabiyadu ee uu hogaamiyo maxamed cabdiwahaab waxay ku duuleen magaalada barakaysan ee (maka al mukaramah) maxamed cabdiwahaab iyo maxamed sacuud waxay soo galeen magaalda maka waxaanay amaan siiyeen dadkii deganaa waxaanay amreen dadkii deganaa inay dumiyaan dhamaan wixii shirki ah ee ay caabudayeen.


W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)  

[email protected]       

Ama 0634240189

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...