Basaskii Ubixi Jiray Degmooyinka Maxamuud Haybe Iyo Maxamed Mooge Oo Shaqa Joojin Sameeyay + Sababta.

0
Monday April 01, 2019 - 10:53:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Basaskii Ubixi Jiray Degmooyinka Maxamuud Haybe Iyo Maxamed Mooge Oo Shaqa Joojin Sameeyay + Sababta.

    Hargaysa (HWN) Gebi ahaan waxa saaka istaagay Basaskii shacabku u raaci jireen ee u bixi jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Gebi ahaan waxa saaka istaagay Basaskii shacabku u raaci jireen ee u bixi jiray Xaafadda Maxamed Mooge kana soo bixi jiray Istaanka Suuqa Wayn ee Shiraaqle ee Badhtamaha Caasimada Hargeysa.

Waxaana Sababta ay shaqo joojinta u sameeyeen Gaadiidka shacabka Rayidka ahi raacaan ee Basaskii u bixi jiray Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ay daaran tahay cabasho ay ka qabaan Gaadiidka yar yar ee loo yaqaano Bra-Box-ka oo ay ku cabanayaan Baslayaasha u bixi jiray Xaafaddaha labada degmo inay cadaadis badan iyo shaqadii ay qaban jireen ee shacabka ay ugu adeegi jireen Basasku oo ay cidhiidhi ku geliyeen Gaadiidkan yar yare e BARA-BOX-ka loo yaqaano sida darteedna ay dawladdu markii ay wax ka qaban wayday ay iyaguna dhinacooda Gaadiidka BASASKU Shaqo Joojin bilaabeen Saaka oo maalin Isniin ah Bishuna tahay 1/4/2019-ka.



Dhinaca Kale shacabka ku dhaqan labada degmo ee Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee Saaka Gaadiidkii Basaska ee Shacabka u adeegi jiray ay talaabada shaqo Joojinta ku dhaqaaqeen, ayaa dadkii Degmooyinkani ku dhaqnaa ay mushkilad xoogani soo food saartay Saaka maamada oo ay Dadkii Dariiqyadda ilaa hada Raxan Raxan u tuman yihiin iyaga oo aan wax xog ah ka haynin dadku sababta ay shaqada u joojiyeen Gaadiidkii ay raaci jireen ee Basaska oo Dariiqa dadka ku dhaafaya diidayna inay dadka qaadaan, waxaana dadka qaar ay lugaynayaan ku dhawaad 15KM oo Guryahoodii iyo Suuqa ama goobihii ay u shaqa tegi jireen, waxa inta u dheer Gaadiidka BARA-BOX –ka yar yare e shaqo joojinta Basaska sababta u noqday ayaa dadka Cadiban iyaguna dariiqyada ku dhaafaya halka Qaarna ay leeyihiin dhawr Dollar iska bixiya kuwa Suuqa ka soo qaadaya dadkuna ay qofkiiba 5000shlin oo lacagta Shlinka Somaliiland ah ay in uu iska bixiyo ku xidhayaan.

Loading...
Loading...