' Shekadii Itoobiya ilaa Gabre ''....W/Q Axmed Nuur Guruje
Dhalashaddii Jamuuriyaddii burburtay ee Soomaaliya , waxaa la kowsaday khilaafkii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya , kaasoo cadawga ugu wayn ee labada wadan midiba uu hadal hayaa ahaa ka kale .
Hadaba xukuumadihii kala danbeeyey ee wadamadaasi iyagoo ka faaidaysanaya khilaafkaas ayay uga faaidaysan jireen danahooda siyaasadeed , cid kasta oo danahooda ka hortimaadana waxay odhan jireen wadankaasuu u shaqaynayaa iyadoo midiba ka kale tilmaamayo .
Sanadkii 1964 ayaa markii ugu horaysay jabhad Soomalaiyeed oo kasoo jeeday goboladda dhexe lana odhan jirey koofiyad dhuubi waxay u talowday dhanka itoobiya , sidaa darteed dad badan baa laggu sunti jirey magaca mahbar .
Mar kale 1979 jabhadihii bilaabmay waxaa laggu eedayn jirey cid kastoo lala xidhiidhiyo in ay itoobiya u shaqaynayaan .
Burburkii Soomaaliya 1991 ayaa hadaba sheekadaasi is badashay , koox waliba Itoobiya ayay caado ka dhigatay in ay la saaxiibto , dadka kalena ku caydo Itoobiyay ayaa wadata , tusaale itoobiya markaky adiga ku wadato waa saaxib , waa wadan jaar , marka ay saaxiibkaa wadatana waa cadow .
Si kastaba ha ahaatee doorashadii Farmaajo ayaa isbadalkii ugu waynaa dhacay , sheekadii cadaawada Itoobiyana waxaa loo badalay Gabre , qofka xukuumada Farmaajo ka horyimaadana waxaa la dhahaa Gabruu u shaqaynayaa .
Gabre hada waa sarkaaal horre oo ka tirsanaa Itoobiya , Itoobiya ayaanu u shaqaynayay , hadeer Itoobiyadii uu ushaqaynayay waa saaxiib , Gabrena waa cadaw , hada Gabre maba joogo , waa horre ayaa itoobiyadii uu u shaqaynayay shaqadii ka badashay .
Sidaas ayuun bay ugu dhex wareegaysaa sheekada Soomaalidu Gabre ilaa Itoobiya .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!