'' Confederal States ''.

0
Sunday February 09, 2020 - 07:58:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    '' Confederal States ''.

    Nidaamka dawladeed ee loo yaqaano Cofederal states waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nidaamka dawladeed ee loo yaqaano Cofederal states waxaa
laggu qeexaa nidaam dawladeed oo ay samaystaan dawladda kala madaxbanaan hasa yeeshee samaysta xidhiidh iskaashi oo ku kooban meelo gaar ah .

Dabeecadaha Confederalka .

Dabeecadaha uu leeyahay nidaamkani waxa weeyaan in ay isugu yimaadaan dawladdo kala madaxbanaan oo itaal dareen isla markaana dareemaya tamar yaraan dhaqaale ama difaac , kuwaasoo samaysta midnimo hoosaad ay iskaga kaashanayaan arrimaha kooban ee ay ku heshiiyeen .



Dhinaca kale nidaamka Confederlka waxaa iskaashigoodu ku kooban yahay maamuladda ku heshiiyey hasa yeeshee muwaadiniinta maamuladaas si toosa uma saameeyo maxaa yeelay waa nidaam guud oo jiliicsan .


Tusaaleyaasha Confederalka .

Nidaamkani isagoo soo jirey muddo dheer ku siman ilaa cahdigii dawladihii Giriiga iyo kuwii Hindiya , waxaa tusaale dhaw oo fiican u noqon karra .


Wadamada ku midoobay Barwaaqo sooranka Commonwealth iyo Jamuuriyadihii la isku odhan jiray midowgii sofiyeeti iyo daladii Yogoslavia .


Hadaba nidaamkaas Confederalka ee aynu isla soo aragnay waxaa ku socda wadanka Soomaaliya oo horre uga guuray nidaamkii Jamuuriayda midaysan oo fashilmay , waxaanu wadankaasi indhawaale ku jiray nidaamka Fadaraalka midaysan kaasoo isna imika fashilmay siday wax u socdaan .


Hadaba shirka Aayo ka tashiga ee Puntland ku dhawaaqday in ay isugu imanayso 15-march 2020 , ajandaha la saadaalinayo in lagaga doodo , hadhawna la go'aamiyaa waa nidaamkaas loo yaqaano Confederalka , waxaana hubaala in go'aanka Puntaland ka dib maamul goboleedyada kale na ku dayan doonaan oo Juba land noqon doonta ta ugu horaysa ee ku raacda .


Sidaa markaky tahay , Soomaaliya waxay taagan tahay albaabkii kala daadashada iyo kala dareerka maxaa wacay Confaerelkuna ma jirto meel ka hoosaysa oo la gaadhi karaa .

W/W: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...