Somaliland :-- Qisada Waashmaankii Jaamacaddii uu Illaaladda ka Ahaa ka Noqday Masuulka Qore Khadar M. Xaashi

0
Saturday February 08, 2020 - 13:06:54 in Articles by
  • Visits: 1411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland :-- Qisada Waashmaankii Jaamacaddii uu Illaaladda ka Ahaa ka Noqday Masuulka Qore Khadar M. Xaashi

    Somaliland :-- Qisada Waashmaankii Jaamacaddii uu Illaaladda ka Ahaa ka Noqday Masuulka Qore Khadar M. Xaashi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland :-- Qisada Waashmaankii Jaamacaddii uu Illaaladda ka Ahaa ka Noqday Masuulka Qore Khadar M. Xaashi


Jaamac Axmed Xuseen, waxaa bar bilowgii shaqadiisa ka soo bilaabay sanadkii 2004-tii ilaalinta Jaamacadda Hargeysa oo uu ka noqday Waardiye ama qofba sidu u yaqaano wash man.



Waxaanu Jaamac isla wakhtiga bilaabay barashada luuqada Ingiriisa oo uu galay Private-kii Nuradiin, iyo sidoo kale 17-may oo uu ka bartay xisaabta.

Image may contain: 1 person, sitting and screen

Odhaah Soomaaliyeed ayaa tidhaaha ‘Dadaala Xaaji Cabaas Gaadhi Kara Dhaafi Karra’ ee dadaal dheer kadib Jaamac hada waa madaxa iibka iyo adeega Jaamacadda Hargeysa.
Jaamac ayaa siweyn uga mahad sheegtay maamulka, masuuliyiinta, ardayda shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala jaamacadda Hargeysa.


Jaamac Axmed Xuseen ugu horeyn waxaa uu inala wadaagi doona halka uu ka soo bilaabay geedigiisa nolosha "Hada waxaan ka shaqeeya Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan xafiiska iibka iyo adeega ee Jaamacadda, Procument and lojistics ofice, waxbarashaddeydii u horeysay waxaa ka bilaabay Private-kii Nuradiin waxaanan bilaaba Ingirisi iyo Xisaab, Ingirisida waxaan ka bilaabay Nuradiin Xisaabtana 17 May Instute, sanadii 2005-tii, islamarkaana waxaan dhammeeyay 2007-dii, islamarkaana 2007-dii waxaan galey Secondry School Nuradiina saddex sano ayaan ku jiray markii aan dhammeeyeyna waxaan galey Jaamacadda Hargeysa, afar sanadood oo Digriiya maamulka iyo maareynta qaybta xisaabaadka, isla sanadkaasi aan ka qalin jabiyeyna waxaan dib u bilaabay Mester heerka labaad oo maamul wanaaga iyo hogaaminta ah 2017-kii bishi March ayaan ka qalinjabiyey"


Jaamac waxaa uu bulshadda qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay tagtadda iska daayaan oo timaada iyo mustaqbalkooda ka fikiraan weli wakhtibay heystaane waxaanu yidhi "Jaamacada waxaan ka bilaabay shaqada waashmaannimada 6/2004-tii, jaamacadu marka deyr may laheyn oo xoolaha iyo tuugta ayaa iska soo galayay sidaasi ayaanu marka u ilaalin jirnay, marka bulshada waxaan leeyahay haku mashquulina wixii idinka tagey, oo tagtada iska daayaan balse timaadada iyo mustaqbalkooda ka fikiraan oo weli wakhtibay heystaane ay noloshooda wax ka badelaan"
Maamulaha dugsiyadda Nuradiin Mahad Ibraahim Maxamed ayaa Jaamac ku sifeeyey qisadda Jaamac tusaale nool waxaanu yidhi "Qalinyahow taariikhda qarada leh ku qor oo og-soonow, qudhan inuu ka soo baxo inta qaaday sharafte qiyamkiyo akhlaaqda leh, waxaa ay noo tahay Beer-wale intu wax beertay beertiisi badhaadhay, oo ay hawrtay oo baxday oo midha bixisay farxadda uu ku jiro oo kale ayaanu ku faraxsanahay"


Jaamac Axmed Xuseen waa tusaale nool oo ku dayasho iyo dhiirigelinba u ah, runtii dhalinyaradda Somaliland gaar ahaan kumanaanka kun ee arday ee aanu heyno ee aanu wax u dhigno, markii runtii Jaamac aadbaan uga helay qisadiisa, waana ardaygeygii anniga waa nin aad u qiimo badan oo sharaf oo sharaf iyo cisi iyo meel sare inuu gaadho aan ILLAAHEY uga rajeynayo, wuxuu yidhi waxaan doonaya inaan Jaamacadda gudoomiye ka noqdo waxaan leeyahay Jaamacow hankaasi wuu kugu hooseeya marka loo eego geedigaaga iyo himiladaada nololeed, Somaliland madaxweynaheeda ayaad noqon doontaa Bi'idnilaahi baari waan kugu faaneynaa anaga oo ah macalimiintaadi waan ku duceynaa, labada daaroodba ILLAAHEY cisi iyo sharaf iyo karaamaba haku siiyo"


Gudoomiyaha Jaamacada Bader Mubaarik Ibraahim Aar, oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa ayaa u ogolaaday Jaamac inuu ka mid noqdo ardayda Jaamacadda sida lacag la'aanta ah wax kaga barata kadib markii uu codsi ula tagay "Anigu wakhtigaasi jaamacada Hargeysa ayaan joogey, dhab ahaantii Jaamac Axmed Xuseen si fiican ayaan u xasuustaa, inuu dhab ahaantii ruux aad u qiimo badan ahaa, oo ah ragga wash manada ee jaamacadda ka shaqeeya, isaga oo hawshaasi ku guda jira ayuu maalin maalmaha ka mida ii yimid waxaanu iga dalbadey inuu jaamacadda arday ka noqdo.


Anigu runtii waan la yaabay wax kalena kulamaan yaabin ee nin waashmana oo hadana hiigsanaya inuu jaamacad ka baxo, marka runtii aniga waxaa ay ii sameysay macno gaara, nin waashmana oo doonaya inuu waxbarto ana in aan hankiisa la sii xaqiiyo, in aan ku idhi hawshaasi waan kula dhammeynaya Cv-giisi ayuu ii keenay waxaan eegayay in arrintani series ka tahay iyo in ay tahay wax ku soo booda ah oo ku dhashay, marka markii aan ogaaday in waxbarashadu ay ka go'an tahay ana waxay noqotay in wixii awoodeyda ah marka kala qayb qaato, inuu xaqiijiyo hadafkiisaasi Jaamacadiina waan u ogolaaday inuu gallo Feegii ardayda laga qaadi jirayna ragi laga dhaafay ayuu noqday marka halkaasi ayuu jaamacadiisa ka bilaabay, Jaamacadda isaga oo dhigta ayaan anigu ka tagey mar danbe ayaan ogaaday inuu Jaamacadii dhammeeyay dhab ahaantii aad ayaan ugu farxay, sababto ah inuu dadaalkiisi iyo hadafkiisi xaqiijiyey ayaa ii soo baxday, imikana waa madaxda sar sare ee Jaamacadda marka waxaa ay tilmaameysa qofku hadii uu is yidhaaho hankiisa iyo himiladiisa gaadh xaalada uu doono haku sugnaade waa uu gaadhaya"


Ugu danbeyn waxaa uu Jaamac asxaabta ay shaqa wadaagta ahaayeen ee saaxiibaddiisa ilaaliya jaamacadda ugu baaqay inay fadhiga ka kacaan oo ay waxbartaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...