'' Puntland Maxay Noola Yaabanayd''.

0
Saturday February 08, 2020 - 08:16:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Puntland Maxay Noola Yaabanayd''.

    1960 markii Waftigii Somalilland ka socday gaadheen Mogdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1960 markii Waftigii Somalilland ka socday gaadheen Mogdisho
waxaa la shiray labba qolo oo midi tahay waayeel siyaasiyiina oo uu hormood u ahaa Muuse Boqor iyo qayb uu madax ka ahaa Cabdilaahi ciise oo ahayd dawlad hoosaadka .


Qaybtii Cabdilaahi ciise waxay tidhi , niman yahaw dawlad baanu nahay , waxa yagiina waanu qaybsanaye wixiina haysta oo meel idiin ma haynee halkiina iska jooga , qaybtii Muuse Boqora waxay tidhi , waar niman yahaw meeshan anaba waxba kuma hayno , cid idin afgaratana ma ogine , bal iska dul qaata wax aad la yaabtaan hadii aragtiin .



Odayaashi waxay waxay qaateen tii Muuse Boqor ,waxanay yidhaahdeen wax kasta qaata oo aynu midowno uun , ka dibna waxaa loogu jawaabay , waxaa aad tidhaahdeen in dadkiinu idina la qabo iyo in kale ayaanu hubsanaynaayoo wafti baanu idiin soo diraynaaye imika iska noqda , sidaas ayay midnimaddi ku dhacday qasabka ah ee reer Somaliland wax walba kaga tanaasuleen .


30 Sanadood markii reer Koonfureedki leewarkaas kulul uga soo dhaqaaqi waayeen waatii burburtay ee laggu kala dhaqaaqay , hadaba waxaa cajiib in Puntland maanta halkii Somaliland gashay , Madaxwaynihii , Raysal wasaarihii , caasimadii , taliyeyaashii waa wada koonfur , Puntland waxba ma hayso , waxaana loogu daray cunaqabatayn tacliimeed oo aan Aduunkaba horre loogu arag .


Sidaa markay tahay , Puntland waxaan leeyahay , walaalayaal wixii na qabsadayna waa ogaydeen , waxa idin qabsadayna waa aragtaane , maxaa 30 sanadood noola yaabnaydeen ilayn waxaasuun baanu ka tagnay idinba la yaabantihiine .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...