15 Siyaabood Oo Loo Yareeyo Timo Gu'ida Ama Timo Daadashada.

0
Thursday February 06, 2020 - 18:27:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    15 Siyaabood Oo Loo Yareeyo Timo Gu'ida Ama Timo Daadashada.

    1.Ka fogow timo feedhashada Marka timuhu qoyan yihiin. Avoid brushing wet hair

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1.Ka fogow timo feedhashada Marka timuhu qoyan yihiin. Avoid brushing wet hair
Tani waxay ku jirtaa xaaladdeeda ugu liita ee timuhu ku daataan. Sidaa darteed iska ilaali inaad feedhato timaha qoyan maxaa yeelay fursadaha timo lumintu way kordhaan.

Laakiin haddii ay qasab kugu tahay inaad timaha qoyso, isticmaal gadhfeedh ( shanlo) aad u ballaaran.
 
Sidoo kale iska ilaali inaad timaha feedhato marar badan maxaa yeelay sameynteedu waxay dhaawici kartaa timaha waxayna kordhin kartaa luminta Farahaaga u isticmaal inaad isku dhafto timaha, laakiin ha u isticmaalin (shanlo) gadhfeedh ama buraash.


2.Yaree cabitaannada sodhaha leh. 
Reduce Alcoholic Beverages

Haddii aad la kulanto timo lumis intii aad yareyney qaadashada ama Calista waxyaabaha sodhaha leh. maxaa yeelay cabidda aalkolada waxay yareysaa koritaanka timaha. Markaa yaree ama baabi'i sharaabada sodhaha leh si aad u aragto korodg ku yimaada koritaanka timaha.


3. Jooji ama yaree cabista sigaarka (Smoking) 

Sigaar cabistu waxay yareyneysaa xaddiga dhiiga ku qulqulaya madaxa waana tan keenta yaraanta koritaanka timaha ee ka fogow ama iska yaree sigaar cabista.

4. Ka fogow kiimikooyinka timaha la mariyo. 
Keep away from chemicals

waxyaabaha midabada timaha loo isticmaalo oo joogto ah waxay dhaawici karaan caafimaadka timaha. Markaad dareento timo lumis, waxaa lagula talinayaa inaadan timahaaga midabayn ama aanad madoobayn.

5. Dheecaanada toonta , dheecaanada basasha ( onion) ama dheecaanada Sanjabiisha (ginger).
Garlic juice, onion juice or ginger juice

Ku xoq mid ka mid ah dheecaanka ama muudka khudradan madaxaaga, ku dhaaf habeenkii oo subaxdii ka maydh. 
Si joogto ah u samee toddobaad kadibna waxaad arki doontaa natiijo la arki karo oo wax ku ool ah.

6. Isticmaal geedka dacarta.
Use olea Vera

Dacartu waa geedka ugu fiican ee dunidu isku raacday inay yarayso lumida ama timaha go'aaya. 
Muudka dacarta mari timahaaga habeenkii aroortiina ka maydh. 
Waxaad la kulmi doontaa natiijo wax ku ool ah. 

7. Cuntooyinkan cun.

Use these foods
Cuntooyinkani waxa ay sababaan inay nafaqeeyaan timaha 
• Beedka. 
• Afokaado. 
• Basasha cad. 
• Faasuuliyaha iyo biiniska. 
• Caanaha. 
• Kaluunka. 



Qalinkii Cabdi Caawiye
+252634115877
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...