Xidig Godkiisii Helay.

0
Thursday February 06, 2020 - 08:37:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidig Godkiisii Helay.

    Hal Sano Ayaa Laga Jooga Maalintii Barkhad Jamac Batun Loo Magacaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal Sano Ayaa Laga Jooga Maalintii Barkhad Jamac Batun Loo Magacaabay Afhayeenka Guud Ee Xisbiga Wadani.

 

Marka hore waxa leeyahay Barkhad iyo Bahweynta Xisbiga Wadaniba Hambalyo.

Marka xigta waxaan hoosta ka xariiqaya in xulashada uu hogaanka Xisbiga Wadani u xushay in uu Mudane Barkhad jagadan qabtaa ay aheyd xidig godkiisii helay.

 

Nina dhaqashuu kuugu dhabar jabay

Nina dhuuniibu kuu dhex jooga.

 

Hadii hawl iyo halgan lagu jiro dadku waxay u kala baxaan laba nooc, mid Xidaaraysta oo gaar u faashada ka dibna is dhiiba iyo mid u dhabar adeyga duruufaha adag ee ka hor yimaada halgankaa gobanimo doonka.

 

Barkhad waa loo xidhay, waa loo caayay waana lagu gefay lakiin muu noqon mana noqonaayo nin gardarooyinkaasi a kaga joogsanaya halgankiisa iyo hamigiisa ah in la helo Sinaan iyo cadaalad.

Guul iyo Gobanimo ayaan u rajaynayaa dhamaan umada reer Somaliland iyo Somalida kalaba ee Barkhad, Adiga iyo Aniguba aynu ka soo jeedno

 

Alla Mahad leh

Xidhiidhiyaha Yurub iyo Waqooyiga America ee Xisbiga Wadani

Osman Omar Dool


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...