Waa Run In Duuliyenimadu Ay Khatar Badan Tahay, Laakiin Ma Is Weydiisay Mushaharka Duuliyaha?!
Haddaba, duuliyenimada oo lagu bartaa duruus iyo tababarro la qaato kun iyo 500 oo saacadood. Ayaa Mar kasta oo uu shil diyaaradeed ka dhaco adduunkana waxaa la dareemaa sida ay xasaasiga u tahay xirfadda duuliyenimada, iyo in ay tahay shaqo aan qalad yar u dulqaadan karin. Waxa kale oo la is weydiiyaa inta uu leegyahay mushaharka iyo faa’iidooyinka maaliyadeed ee uu duuliyuhu ku helo shaqadan khatarta badan.
Baadhis ay shabakadda Alcarabiya dhowaan ku samaysay arrintan, ayaa ay ku ogaatay in celcelis ahaan mushaharka duuliyeyaasha adduunku uu gaadho 300 oo kun oo doolar sannadkii, taas oo u dhiganta lacag ka badan 8 boqol iyo 30 oo doolar maalinkasta.
Warbixinta ay Alcarabiya ka samaysay baadhisteeda waxa ay ku sheegtay duuliyaha diyaaradda Boeing 777 ee gasha duulimaadyada caalamiga ahi, in uu qaato ugu yaraan 320 doolar saacaddii, taas oo macnaheedu yahay in marmarka qaarkood hal duulimaad oo Tegs-iyo-Soo-noqod ah (Go and back) oo 15 saacadood qaatay in uu helo lacag dhan 5000 oo doolar. Laakiin sharciga duulimaadyadu waxa uu dhigayaa in duuliyuhu aanu sannadkii shaqayn karin wax ka badan kun saacadood, taas oo u dhiganta in maalintii aanu 3 saac wax ka badan diyaarad duulin karin.
Marka uu duuliyuhu gaadho da’da 65 jirka, ee shirkadaha rasmiga ahi ay hawlgabka ka dhigaan, waxa ay inta badan duuliyeyaashu shaqooyin ka helaan shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ay celcelis ahaan mushahar uga qaataan 100 illaa 122 kun oo doolar sannadkii. Waxa duuliyeyaasha guud ahaanba intaas u dheer in ay helaan kharashaadka ku baxaya hoygooda, iyo cuntadooda, iyo sida oo kale bil kasta maalmaha fasaxa ah ee ku jira.
Laakiin arrinta xiisaha lihi
waxa ay tahay qofka ka shaqeeya qolka isgaadhsiinta hagista diyaaraduhu
in uu ka mushahar badan yahay duuliyaha. Maadaama oo ay shaqadani aad
xasaasi u tahay, ammaanka iyo badqabka diyaaradduna inta badan iyada ku
xidhan yahay, waxa uu qofkani sannadkii qaataa mushahar gaadha 125 kun
oo doolar, oo dhiganta illaa 60 doolar saacad kasta. Inkasta oo
garoomada diyaaraduhu u kala mushahar badan yihiin sida dhaqdhaqaaqoodu u
kala badan yahay. waxaa iyaduna yaab leh in shirkadaha caalamiga ah
qaarkood ay shaqaalaha
Shaqaalaha adeegeyaasha ah ee diyaaradda
gudaheeda rakaabka cuntada iyo biyaha siiya, ayaa iyaguna sannadkii
celcelis ahaan qaata lacag gaadha 56 kn oo doolar.
Marjaan Media
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!