Khayrku Sidan Buuba Ku Jiraa.

0
Thursday February 06, 2020 - 08:03:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khayrku Sidan Buuba Ku Jiraa.

    Haddii Alle u qadaray in uu Dalka Madaxweyne ka noqdo Muddane Muuse Biixi Cabdi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii Alle u qadaray in uu Dalka Madaxweyne ka noqdo Muddane Muuse Biixi Cabdi,
Mucaaradna uu ka noqdo Muddane C/raxmaan Maxamed C/laahi "Cirro" iyo Muddane Faysal Cali Waraabe in uu khayrkuba ku jiro sidan ayaan filayaa, waayo ma dooran naqaano ee Illaahay baa inoo doora haddba sida ugu wacan iyo qaabka ugu wannaagsan ee Maslaxadda umaddu ku jirto. Haddii in badan Madaxweynaha adadayg iyo dabac sanaan la'aan lagaga cawday, ogow wali nasri baynu haysanaa inta #Cirro uu hoggaanka Xisbul mucaaradka ugu weyn Dalka hayo. Bal yar sawiro Dr. Gaboose ama Muj. Xasan Ciise oo hoggaanka Waddani hayn lahaa iyo Muuse oo Xilkan Madaxweynenimo hayn lahaa. Miyaa la isku tanaasuli lahaa sida maanta oo kale mise waa la isla qasan lahaa oo qayladaa yeedhi lahayd?. Rabbi baa taas og se waxaan filayaa in aan Madaxweyne Muuse raggaas u dulqaateen ee la isla qasan lahaa uun.

 

Hoggaanka Mucaaradku oo uu u horreeyo Guddoomiye Muddane C/raxmaan Cirro aad iyo aad buu kugu mahadsanyahay tudhaalaha joogtada ah iyo tanaasulka isagoo mar walba eegaya Danta guud iyo Danta, Dalka, Dadka iyo Diintaba. Guddoomiye Dulqaadka iyo Dhibirsananaantu waa Astaanta Hoggaanka guuleysta.

 

~~~ Wabilaahi Tawfiiq.

Maxamed Ciise Dhancadde


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...