' Russia vs Usa '' . W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Thursday February 06, 2020 - 07:40:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    ' Russia vs Usa '' . W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Tan iyo intii ka danbaysay qalaasihii loo bixiyey guga carabta ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo intii ka danbaysay qalaasihii loo bixiyey guga carabta ,
waxaa kor usoo kacayay heer kulka loolanka dawladaha waawayn ee ku hirdamaya jaan-goynta siyaaada Aduunka .


Arrintan oo marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaysaana waxay heerkii ugu kululaa gaadhay labadii sanadood ee ugu danbeeyey , waxaanay hadeer maraysaa meel khuburaddu ku sheegeen in ay kaba khatar badan tahay dagaalkii qaboobaa ee Aduunka .



Hadaba sidda caadiga ah , mar kasta oo Aduunka loolan ka dhaco , waxaa jirra sadex meelood oo loolankaasi bariinsado , sadexdaas meelood oo kala ah , Bariga dhexe , Bariga Yurub iyo Geeska Afrika , Maantana sadexdii meelood ayaa la isku haystaa .


Sidaa markay tahay , Wadankii horre loo odhan jirey Soomaaliya , geestii ku hadhay magacii horre ee Soomaaliya ama Mogdisho , waxaa xaadh-xaadhay Maraykanka oo nasiib saday .


Dhinaca kale , Markaykanku wuxuu Mogdisho u aqoonsaday dawlada rasmi ah , waxaanu ka samaystay safaarad wayn iyo saldhig balaadhan oo Milateri .


waxa kale oo jirta in Maraykanku horre u degenaa Djabouti oo uu in muddo ahba uu saldhigyo ku lahaa , sidaa awgeed waxaa iska cadaana in Wadanka Ruushku isna u baahan yahay in uu goobo ku yeesho gobolkan geeska Afrika ee maraykanku isku kala bixiyey si uu isna danihiisa u ilaashado .


Sidaa awgeed , Somaliland waxay haysataa fursad ay kaga faaidaysan karto is waafiqadda danaheeda iyo kuwa Ruushanku is waafaqeen , maxaa yeelay Maraykan Mogdisho ayuu caashaqsan yahay , Ruushkuna Maraykan ayuu gobolka kula tartamayaa , Somaliland adeer wayn bay u baahan tahay .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...