Dad Dhaqan Oo Dabar Go'aaya!. Q1aad.

0
Wednesday February 05, 2020 - 08:13:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Dhaqan Oo Dabar Go'aaya!. Q1aad.

    Intuu Aadame jiray ama Dad dunida guudkeeda ku noolaa waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intuu Aadame jiray ama Dad dunida guudkeeda ku noolaa waxa

Dabar go'ay Qoomiyado aad u tiro badan, kuwaas oo iskugu jira qaar illaaha weyn ee macbuudka ahi rogay iyo kuwo qoomiyado kale kusoo duuleen oo ay Dabar gooyeen, Siddoo kale waxa jira Qoomiyado aan la Dabar goyn se la dhaqan gediyey oo doorsoomay, sabab haw noqoto isticmaar ama deegaankii iyo dagalkii ay ku noolaayeen inta lalasoo degey, la badhxay ama lagaga tiro batayba, siddaa awgeedna uu isbadel iyo dhalan rog uu ku yimi, hidihii ay ku dhaqmi jireen, qaabkay u noolaayeen iyo afkii ay ku hadli jireen intaba, aakhirkana ay dhaxalsiiso in uu ka suulo wixii ay lahaayeen ee lagu yaqaanaay oo ay doorsoomaan.

 

Haddaba waxa jirta Qoomiyad aan ciddi kusoo duulin ciddina isticmaarsan, siddoo kale ciddina lasoo degin haddana sii Dabar-go'aaya HIDE, HAYB iyo HADALBA, Bal amuurta Illaahay, qoomiyadaasi iyada oo dhaqan ayey dunida guudkeeda kasii Dabar go'ayaan ama iyaga oo muuqda ayuu magacoodii iyo waxay Qoomiyada ku ahaayeen, ee ay ku caanbaxeen ee ay ku suntanaayeen kuna soocnaayeen uu kasii masaxmayaa, iyaga oo aan dhaadahay oo aan dareen sanayn oo moogan!.

 

Qoomiyadaasi waa Qoomiyada SOOMAALIDA ah, Qoomiyada Soomaalidu waxa ay ka mid tahay  qoomiyadaha ugu caansan Afrikaanka, waana Qoomiyad deegaan ahaan u leh inta ugu badan Dhulka kuyaala geeska Afrika siddoo kale waa Qoomiyad ku faaftay dunida dacaladeeda, ilaa dabayaaqadii qarnigii 20aad iyo qarnigan 21aad, Qoomiyada Soomaalida waxa lagu sheegaa inay tahay qoomiyada ugu tirada badan Dadka ka hayaama deegaankooda ee u tahriiba deegaamo iyo Qaaradaha kale ee dunida, haw sabab ahaato nolol raadis iyo nabad raadise.

 

Dadka Soomaalida ahi waxa ay bariga Afrika ku leeyihiin deegaan ama dhulka ugu weyn Afrika ee Qoomiyad kali ahi ku leedahay Afrikaba, waxa jira dalal ay Sooc ku yihiin Dadka Soomaalida ahi oo aanay ciddi ku tarxin oo kaligood leeyihiin, sidda SOOMAALIYA, iyo SOMALILAND , Siddoo kale waxa jira dalal ay lawadaagaan Qoomiyado kale, sidda JABUUTI, ITOOBIYA iyo KIINIYA, tirada Dadka Soomaalida ah ee kunool dunida waxa lagu qiyaasaa inay kor u dhaafayaan 20 malyan oo ruux, waa dad tiro badan dhul baaxad weyn ku fadhiyana leh, Hadaba siddee ayey ku dhacaysaa ama suuragal u tahay in Ummada intaa leeg ee dhaqan inay sii Dabar go'ayaan?.

 

Waxa u sabab ah ama…… Lasoco qaybta danbe.

 

Illeen Magacaa hajiro

Waa Ummad yahay Muuqo.

Fuad Fartaag

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...