Wada-Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya. Qaybtii 6aad

0
Wednesday February 05, 2020 - 07:49:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wada-Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya. Qaybtii 6aad

    Feb 2020

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Feb 2020

                                                                                                                             


 

Ilaa hadda way adag tahay in la helo Dowlad ahaan-Siyaasiyiin ahaan iyo Shacab ahaanba, cid   tidhaahda Somaliland  iyo Soomaaliya ha  midooba amase ha kala tageen.Qaybtanina waxay ka mid tahay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinaca wada-hadalada.


Soomaaliya:-

Inkastoo Dowlada—Maamul Goboleedyada-Siyaasiyiinta 

iyo qaybo ka mid ah Bulshada Soomaaliya ay aad ugu kala duwan yihiin dhinaca Siyaasada.Inkastoo Soomaaliya ay u sii kala qaybsamayso maamulo iyo Dowlado Goboleedyo badan, Inkastoo ay dhamaantood Maamulada iyo Siyaasiyiintuba Soomaaliya  cadow isu yihiin,kuna kala fog yihiin dhinaca Siyaasada,haddana waxaa jira arin qudha oo ay ka midaysan yihiin Soomaaliya oo dhan,taas oo ah "Somaliland kama goi karto Soomaaliya inteeda kale”

 

 

Somaliland:-

 

Dhinaca Somaliland inkastoo aad aragto murano dhinaca Siyaasada ah,gaar ahaan Murano kulul oo dhexeeya Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta,balse waxaa laysku raacsan yahay Dowladda-Xisbiyada-Siyaasiyiin ta iyo guud ahaan Shacabka Somaliland in "gooni isu taaga Somaliland yahay lama taabtaan”

 

 

Hadal iyo dhamaan way adag tahay in Dowlada Soomaaliya tidhaahdo aynu laba Dowladood( Soomaaliya-Somaliland) oo walaalo ah oo deris ahaano.

Somalilandna  Dowlad ahaan iyo Shicib ahaanba way ku adag tahay in ay yidhaahdaan,aynu markale midowno(Soomaaliya iyo Somaliland).

Haddaba aynu ka war sugno  Bulshada iyo Dowladaha Caalamka,inta ay dan inaga yeelanayaan,oo ay inakala furdaaminayaan,inta ka horeysana tabtaas bay inoo ahaanaysaa.

 

ALLAA. M A H A D    L E H

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 [email protected]

 fb. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

 ---- la soco qaybt 7aad ( maxaa looga jeedaa erayga waa Muqadis. Dastuurka Somaliland iyo Soomaaliya )

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...