Koomiishineer Xasan Yuusuf Ducaale Masuul Muujiyey Muwaadinimo iyo Tudhaale Qarankiisa Somaliland

0
Tuesday February 04, 2020 - 20:15:00 in Articles by
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koomiishineer Xasan Yuusuf Ducaale Masuul Muujiyey Muwaadinimo iyo Tudhaale Qarankiisa Somaliland

    Koomiishineer Xasan Yuusuf Ducaale Masuul Muujiyey Muwaadinimo iyo Tudhaale Qarankiisa Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koomiishineer Xasan Yuusuf Ducaale Masuul Muujiyey Muwaadinimo iyo Tudhaale Qarankiisa Somaliland


Xasan Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa 6-dii Xubnood ee guddidii Cusbayd ee Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee dabayaaqadii sanadkii hore ee 2019--kii la soo magacaabay Gaar ahaana Xubintii Xisbiga Mucaaridka ee UCID soo magacawday balse Xisbiyadda Mucaaridka ee UCID iyo Waddani kalsoonida kala laabteen dalbadeena in LA kala diro ayaa Koomiishineer Xasan uu shalay si rasmiya ugu dhawaaqay in uu iska casilay Xilkii iyo Xubinimadii uu guddidani kaga tirsanaa.

Koomishineer Xasan Yuusuf Ducaale' ayaa maalintii shalay oo taariikhdu ahayd 3/2/2020-ka waxa uu Ku dhiiraday talaabo taariikhda gashay isaga oo Ku dhawaaqay xilkii guddida uu ka tirsanaa ee 6-da Xubnood ahayd in uu gebi ahaan iska casilay isaga oo shacabkiisa iyo qarankiisa Somaliland u tudhaaya maadaama guddida uu ka tirsanaa ay khilaafka ba'an iyo Buuqa siyaasadeed oo Doorashooyin inay dalka ka qabsoomaan caqabad Ku noqday ka dib markii Mucaaridka dalku ka soo hor jeesteen guddidaasi.

Ugu dambayntii Talaabadan ugubka ah ee uu go'aansaday Aqoonyahan Xasan Yuusuf Ducaale in uu dib ugu celiyo Xilkii qarankiisa Somaliland loogu dhiibay maadaama oo sida uu sheegay Xasan ama cid kasta ay ka marag kacayso uu xal ka kaliya ee maanta lagaga gudbi karo khilaafka cakiran ee Somaliland 2-dii sanno ee tegay dalka ka taagnaa inay guddidii cusbaa ee uu xubinta ka ahaa oo Iscasila meeshana ka baxa ay arimaha taagan soo afjari karaan.

Zir Abdiwali Ali

Eimal: [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...