Macalinkii Layaabka Ahaa Ee Gaariye W.Q: Mustafe Sharmaarke

0
Tuesday February 04, 2020 - 14:38:55 in Articles by
  • Visits: 1744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalinkii Layaabka Ahaa Ee Gaariye W.Q: Mustafe Sharmaarke

    Macalinkii Layaabka Ahaa Ee Gaariye W.Q: Mustafe Sharmaarke

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinkii Layaabka Ahaa Ee Gaariye W.Q: Mustafe Sharmaarke

Sawirka la xidhiidha

Macalin Gaarriye wuxu ahaa nin yaab leh, wacyi ahaan abwaanada la midka ahaa dawladnimada fahankeeda wuu kaga wanaagsanaa. Isaga oo ka hadlaya xilalka in aan la wada heli karahayn oo ay khasab tahay in ay dad koobani uun xilalka heli karaan wuxu yidhi;



"Darmo harag sakaaro ah
Isu daysta mooyee

Isdul buuxsha laga wacan"


Waa arrinta maanta Galmudug ka taagan. Mar kale isaga oo tilmaamaya in qofka xil qaran haya ee xilkiisii/xilkeedii ka soo bixi waayay haddii aad dhaliisho oo aad tilmaamto danbiga uu qaranka qofkaasi ka galay, in dadka ay qolo ahaan isxigaan ay difaacayaan, halkaasna masuuliyaddii danbiga cid qaadata la waayayo, wuxu yidhi;


"Qofkastoo dekeno galay
Qoluu dabada geliyoo
Danbi dhacay masuul ma leh
Markaad hebel duqaysaa
Reer hebel damqanayaan"


Isaga oo tilmaamaya dawladnimada uu rabo una quusgoynaya dadkan ay kaga dheggan tahay uun "dalwaddii Soomaalida ee dhacday tu ka wanaagsanayd ma jirto" una tilmaamaya taasi inay ahayd tuu diidanaaba nidaamkeeda, wax dhaamana la rabo, wuxu odhanayaa;


"Waxaan doonayaa qaran
Qaran dhaama kii dumay"


Macalin jaamacadeed, la yidhaa Patrick Lumumba oo reer Afrika ah ayaa yidhi "dhibaatooyinka waaweyn ee Afrika waxa ka mid ah in kii aragtida lahaa uu yahay bilaa awood, kii awoodda lahaana uu yahay bilaa aragti" Macalin Gaarriye hadal caynkaa u eg ayuu tixdiisa Dabataxan ku daray, markuu leeyahay;


"Hebel laga ducaystiyo
Mana laha nin dooroo
Daamur baa la mariyaa
Dayaxii u soo kaca
Mooralkaana laga dilay
Danabyadii u kici lahaa
Markii geela loo diray


Ninkii maqasha daayacay"

Gaarriye, wuxu sidoo kale ku dhiiraday inuu tilmaamo in dawladnimada aanay wadi karahayn kuwa Isla awoodda dawladnimada dunuubta ku gala, ee haddana la leeyahay "danbiyada ay iyagu sameeyaan xal u raadiya" ma qofbaa danbi uu ku jiro ama dhib uu sameeyey xalkeeda ka hawlgalaya? Wuxu yidhi Gaarriye;


"Nin dawee la leeyahay
Danbi uu badh leeyahay
Xalka doon la leeyahay
Isaguu u darranyoo
Inuu daaro ma ogola
Daaraanta miridhka leh"


Waxa jira dadkeena qaybo ka mid ah oo kolka ay dawladda ka waayaan baahiyahoodii dhaliila, ama cidda talooyinka waaweyn bixisa ku canaanta in ay shaqadooda ku koobnaadaan iyo waxyaalaha ay aqoonta u leeyihiin sida salaadiinta iyo culimada oo wax walba faraha Iskala gala. Dadka aragtiyahaas soo jeediya waxa loo sameeyaa dacaayado sida "dawlado shisheeye, cadow ama gaalo ayaa wadata" ka dibna dadka inta masaakiinta ah ayaa iska rumaysta oo muwaadiniinta xaqooda eryanaya dacaayadahaa la dabagala. Gaarriye isaga oo kuwaa sheegaya wuxu yidhi;


"Ninkii dooxi kara boog
Waxa lagu didsanayaa
Dacaayado raqiisiyo
Cid baa kaa danbaysoo
Ninkii dood ka keenaba
Looma waayo daabaqad
Iyo qaar la dabagala"


Bare sare, Maxamed Xaashi Dhamac oo caan ku ahaa Gaarriye, aniga wuxu ii yahay dadka suugaantooda aan sida gaarka ah u intifaacsado, qof garanaya wuxu doonayo ama diidan yahay ayuu ahaa. Fahanka iyo wacyiga siyaasaddana heer sare ayuu ka taagnaa. Waxa sidoo kale aad ugu yarayd caadifadda iyo macnodarrada uu qofku kolba cidda uu la joogo uu raaligeliyo oo bahda fanka iyo suugaantu ay u badan yihiin.


Illaahay ha u naxariisto macalin, abwaan Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye". Amiin.

Dhalxa Sheekh

 
 
 
 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...