Dulmareey Weli Caano Maan Dhamin ( Abdi-Shotaly)!
Aduun-yadda nin noolow maxaa aragti kuu laaban,
beri baa nin
Diiriye la odhan jirey, uu gabadh kula aqal galay, guriggii reerkii ay
ka dhalatay, oo ah nooca ay somalidu tidhaaho "Inan la yaalka", oo
micna-heedu yahay, marka aad la degan tahay reerka ama qoyska, ay ka
soo jeedo gabadha aad guursatay. Ninkii odayga ahaa ee Mr Diiriye,
markii loo guri geliyey inantii, waa ka iska barbar seexday, ee
dhan-keeda-ba u jeesan waayey, yaabtay inantii oo kolba wax ku tashatay,
kola ay jilibka ku dhufa-to, siddii wax is rogaaya, iyo kola ay gufac
aan hayn iska keento, si ay u toosiso, ilayn waa kan khuuradda galaye ee
dirgan waayeye. Waxay sidaas ahaato-ba, oo ay inantii wax ku hadasho-ba
garan waydo, hadba madaxa xoqoto, oo ay si walba uga quustay, ogaatay
in aanay kan seedi u dhanaanayn, oo uu hor illaahay ka taagan yahay,
arimaha ay ka sugayso, mid wax isla hayana aanu ahayn, bay
candhuuf-teeddii dib uga liqday, oo ay tidhi kan waad arag-taaye, mar
dambe ha ku tahan-baabin, rajo kama soo jeedo'e. waxay gaadhay go'aan
ah, in marka ay todoba-baxdo, ay reerka isaga dhalay isugu yeedho, si
asturana ugu tidhaahdo anigu nin ma hayo'e, bal ama nin kale ii keena,
kani waa gabaa-hirig oo ninimo ka waayeye, ama aynu kala hawl yaraysano,
intaan wakhti inaga halaabin labadeena qoys-ba. Akhristaw iyadda oo
sidaas iskaga qulubsan, oo ku waalatay tima feedhasho, marna is tidhaaha
guriga ma uga baxdaa, bay dhamaadeen tobaddii cisho ee aroosku, bal-se
maxaa ka dambeeyey, halkan hoose kala soco.
Subixii sideedda markii xoolihii la maalay, baa waxa ku soo
kalah-day, gabdh kale oo inaadeer-teed ah, oo wadda degan yihiin
reerka, waxay ku tidhi intay aqalkii is hor taagtay " Naayaa Barako Todobaddii cisho kuu dhamaadee, ka soo bax gurigga, caano luguaha ha laguu geliyee" Waxay ugu jawaabtay " Dulmareey Weli siddii baan u Oomanahay"
ee waa maxay todobadda maalmood ee aad ii tirisay, dambarkii maandeeq
weli waan sugayaa, oo koob lis ah kama aan dhadhamin ilaa hadda. Dulmar
yaabtay, " Barakooy Miyaanu Sama Kaab Deeraddii Gawricin? Waxay ku
celisay gurigu waa bilaa midi, ee maxaa deero lagu qalaa? fahantay in
aan inanta weli hawl-ba laga qaban oon weli daah-ba laga rogin. Iyadda
oo labadda dhaban haysata, waata dabeed u dhaqaaqday xaggii buul-cawskii
ay beriggii hore wadda seexan jireen, intaan barako lala aqal gelin
(intaan Mr Diiriye loo meherin). Dulmar wax ay ku hadsho iyo cid ay u
sheegto, wax ay tidhaaho iyadda oo garan la', oo ay ka wareerisay sidda
ay ugu dhacday saaxiiba-deed " Miss Barako", baa habeenkii Sagaalaad,
reerkii col u soo dhacay, oo geelii laga dareersaday saqddii dhexe.
Ninkii Diiriye, markuu maqlay qayladda iyo sawaxanka, waa ka qori la
cararay, ee yidhi geela baan soo dhicinayaa. ee ka soo booday gurigii
isaga oo kun-kuunsan, halkaa markay maraysay, baa waxa aragtay, inantii
Dulmar ee sheeka-diisa haysay, dabeed way u yeedhay oo waxay ku tidhi "
Diiriyaw xagaad ku ordaysaa oo aad qoriga u sidataa?" Wuxu yidhi dee "
Nin baan ahayoo waa in aan geela wax ka dhiciyaa". Inantii Dulmar inta
ay dhoosha ka qososhay, baa waxay tidhi " Diiryaw raganimo halkaad ka
joogto, waynu isla og-nahay, geelan rag baa iska leh, haday soo
dhicina-yaan, iyo haddii ay sidaa kaga hadhayaan-ba ee "Diiriyaw Adigu Taadda ku foof".
Hawl weyn baa kuu taalay ilaa intii aad la aqal gashay Miss Barako, oo
lagaa sugayaa fulin-teedda, geelan ragiisii waa joogaa, wuxuu ka
yeela-ba, " Adigu arimaha guri-gaaga yaala ka adkaw" oo yaanay dib dambe
kaaga bay lihin.
"Wejiga looma fool dhaqo, nimaad fool-xumidiisa aragto" bay
Somalidu tidhaahaaye,Ujeediyo haatan, waxan sheekadan u soo qaatay, kuna
soo gabaga-beeyey maqaalkan. Labadan askari waa la ogaa waxay halgankii
ahaayeen, oo waa kuwii laga inaab-saday, lamana hayo kob cagaar leh, oo
ay ka soo durduri-yeen ilaa iyo wakhtiggii SNM-tii, Dagaalkii
maryo-aloolka, iyo intay nafi ku jirtay-ba, ilayn wax inoo kala qarsooni
ma jiraan, oo Mr Diiriye halkaa uu ka taagnaa hawshaas sare ku qeexan,
mid-la-mid ah ama ka sii liidata, baa xaal-koodu ku sinaaye, Ma imika bay salal-madhle iyo sakaaro kuu soo solayaan?
Somaliland baanu badbaadi-naynaa hadda, waxay ka dhigan tahay, qoriga
uu la orday Mr Diiriye, isaga oo og halkuu raganimo ka joogo, oo ku
damba-basaaya ciladiisa hoose, doona-yaana in uu dhalan-teed u dhigo
xiddidka. Muwaadin waa sidaase, Geeno shaaximaan iyo Raggii ma adigaa ka
hadhay, waynu ka dheregsan nahay waxay yihiin, sidda ay u fekeraan,
cuqdadda ay beelo gaar ah ka qaban, ee ma nahay qaar ay isu nasikhi
karaan? Waxan ku soo af-jaray, Somaliland waxa uga tirsan tihiin Mr
Diiriya-haas ku sharaxan sare, ee yaad u durbaan garaacay-saan ee aan
idin aqoon? Ma cid aan reer Somaliland ahayn oo kale? kuwa halkaa dhigay
ee rakaadiyey dalkii iyo dadkii waa ayo? Ma cid kalaa cirka uga timi?
Waa kii iyadda oo dalka iyo dadku samadaa marayaan, uu Madax-Weyne
Daahir Riyaale Ku wareejiyey kulmiye, ee mee dadkii iyo dalkii wadda
socday? Yaa kala irdheeyey? Ee foodda isu geliyey? U kala ab-tiriyey?
Inba gaar u faquuqay? Saw idinka maaha kuwa la eeday? Ee caku iyo waydda
hadh iyo habeen shicibku dib-naha la qaniinayaan? Ma xiniiyo iib ah baa
la idiin soo tumay? Siddii tooray-ddii baabuurta kamaan-koodda laga
samayn jirey, ma dadnimo baa idiin kordhay? Tani way is taqaan, oo isku
leex-leexan mayso, waxad tihiin Mr Diiriye Walaaladiiye, ee ha is
lugoy-nina waxa-ba islama haysaane. dumis mooyee wax aad dhistaan, inta
cirku idiin jiro buu nidiin jiraaye.
- N.B Diiriyaw Adigu Taadda Ku Foof!
- Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...