Dawladda Turkiga Oo Ka Hadashay Sahaminta Shidaalka Soomaaliya
Dawladda Turkiga Oo Ka Hadashay Sahaminta Shidaalka Soomaaliya
Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya ay Turkey ku casuumtay inay shidaal ka sahmiso baddeeda, kadib markii Ankara ay heshiis dhanka badda ah la gaadhay Libya sannadkii tagay, waxaa sidaas weriyey telefishinka NTV ee Turkey.
Isaga oo weriyayaasha la hadlayey xilli uu ka soo laabanayey shir madaxeedka arrimaha Libya ee ka dhacay Berlin, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in Turkey ay qaadi doonto tallaabooyin waafaqsan casuumadda Soomaaliya, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeraad ah.
"Waxaa jira codsi ka yimid Soomaaliya. Waxay leeyihiin: ‘Shidaal ayaa ku jira baddeena. Waxaad howl-galladan ka fulineysaan Libya, balse waxaad sidoo kale ka sameyn kartaan halkan.’ Tani aad ayey muhiim noogu tahay,” Erdogan ayaa waxaa sidaas ka soo telefishinka NTV.
"Sidaas darteed, waxaa jiri doona tallaabooyin aan qaadi doonno oo ku saabsan howl-galladeena halkaas.” Turkey ayaa il gargaar oo weyn u ahayd Soomaaliya, wixii ka dambeeyey macluushii dhacday 2011, ayada oo Ankara ay raadineyso inay sare u qaaddo saameynta ay ku leedahay Geeska Afrika, si ay uga hortagto dalalka Khaliijka ee ay xifaaltamaan ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale, Injineero Turkihs ah ayaa gacan ka gaysanaya dhismaha waddooyinka Soomaaliya, halka sarakaiisha Turkish-ka ay tababarayaan askarta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallo dib loogu dhisayo ciidamada dalka.
Turkey ayaa saldhigga ugu weyn ee ay ku leedaha dibedda waxay sanaddii 2017 ka furtay caasimadda Soomaaliya, ayada oo xoojineysa xidhiidhka ay la leedahay dalka Soomaaliya oo ah mid qalalaase ay ka jiraan balse muhiim ah.
Bishii November, Turkey ayaa heshiis dhanka badda ah la saxeexatay dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay, tallaabadaas oo ka cadheysiiyey Qubrus iyo Greece. Athens ayaa waxay madaxa iskula jireen Ankara sababo la xidhiidha kheyraadka ku jira xeebta jasiiradda kala qeybsan ee Qubrus.
Xigasho BBC Somali
Loading...
Loading...