Maxaa Hortaagan In Ciidanka Soomaaliya Uu La Wareego Amniga Dalka?

0
Saturday March 30, 2019 - 08:00:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Hortaagan In Ciidanka Soomaaliya Uu La Wareego Amniga Dalka?

    Waxaa faraha kasii baxaya amaanka magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay jiraan ciidamo ay leedahay dowladda Soomaaliya oo howl gala.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa faraha kasii baxaya amaanka magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay jiraan ciidamo ay leedahay dowladda Soomaaliya oo howl gala.

Bisha Maarso gudaheeda oo kaliya waxaa caasimadda Soomaaliya ka dhacay ilaa 12 qarax oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo laamaha amaanka.

15 ruux ayaa lagu dilay qaraxii ugu dambeeyay ee Khamiistii ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama, halka qaraxyo toddobaadkii lasoo dhaafay lala beegsaday wasaarado ka tirsan xukuumaddana ay ku dhinteen 15 ruux oo kale.

Su'aalaha la iska weydiinayo sababta ay ciidamada Soomaaliya awoodda ugu yeelan la'yihiin sugidda amniga ayaa isasoo taraya waxaana laga qabaa fikrado kala duwan.

Dadka falanqeeya arrimaha gobolka waxay mid ka mid ah sababaha ku tilmaamayaan in uusan hagaagsaneyn hannaanka taliska ciidamada iyo in aysan mushaar fiican qaadanin.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa isaaga baxay fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanno kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya, iyagoo ka gadoodsan mushaar la'aan ay ka cabanayaan.

Janaraal Cabdiqaadir Cali diiriye oo loo yaqaanno Subxaanyo ayaa BBC-da la wadaagay fikirkiisa ku aaddan su'aalaha ka guuxaya shacabka ee ku aaddan sababta ay ciidamada Soomaaliya ugu suurta gali la'dahay inay hantaan amniga.

"Amni darradu wey soo korortay, mas'uuliyaddeeda koowaadna waxaa qaadeysa dowladda Soomaaliya, sababtoo ah iyada ayaa xukunkii dalka gacanta ku heysa, sidaas darteed madaxda dowladdu waa inay mas'uuliyaddooda qaataan", ayuu yidhi Janaraal Subxaanyo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in habacsanaan badan ay ka jirto maamulka ciidanka: "Taliska ciidamada qudhoodu eed ayey leeyihiin, ciidanka looma diiwaan galiyo sidii ay u soo kala horreeyeen ama sanadihii ay ku kala biireen ciidanka, taliyeyaasha ciidamada markii la weydiiyo tirada ciidanka ay gacanta ku hayaan waxay iska sheegtaan tiro aan dhab ahayn".

Dhanka kale wuxuu janaraalku sheegay in ciidanku aysan heysanin kalsooni buuxda oo ay shaqadooda ku gutaan, taasoo uu u sababeeyay dowlado kale oo soo dhex galay.

"Ciidamadii loo baahnaa inay dowladda Soomaaliya gacanta ku heyso waxay hoos tagaan dowlado kale oo dano gaar ah wata, raallina aan ka ahayn in ay Soomaaliya cagaheeda isku taagto, waxaad maqleysaa inay qaar la shaqeeyaan Imaaraadka carabta oo ay mushaar ka qaataan, waxay xitaa sicir barar ku rideen mushaarkii ciidanka oo ay ka dhigeen 400 ilaa 500 oo doolar, ciidankii kalena waxaa loo la'yahay 100 doolar oo mushaar ah".

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in iyadoo dhaqaale heysa aysan diiradda saarin baahida Ciidamada.

"Dowladdu lacag ma aysan weynin, malaayiin baa soo gasha, cid ka yeeleysa 100 doolar baan askari u waayay ma jirto, waa inay ciidanka u qoraan mushaar joogto ah iyo raashin, waxaan ka war qabnaa in guri walba iyo dukaan walbaba laga qaado canshuur, dhaqaalo darrana ma heysato dowladda", ayuu yidhi.

Hase ahaatee, danjire Cabdirashiid Aadan Seed oo lasoo shaqeeyay dowladaha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in ay jiraan culeysyo badan oo ay xukuumadda federaalku wajaheyso, kuwaasoo ay ugu weyntahay dhaqaale xumo.

Waxaa kale oo uu sheegay in eedeynta amni darrada aysan lahayn mas'uuliyiinta oo kaliya.

"Dalka waxaa leh dadweynaha, ma aha in la eedeeyo madaxda oo qura, shacabka ayaa looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan hagaajinta amniga, dadka mas'uulka ka ah amaan xumada waxay ku dhex jiraan dadweynaha waana inay iska soo dhex saaraan".

Diblomaasigan ayaa dhanka kale sheegay in loo baahan yahay iskaashi dhex mara dhinacyada kala duwan ee ay arrintan khuseyso.

"Arrintan waa mid soo noqnoqotay, runtiina waxay ceeb ku noqoneysaa qaranka Soomaaliyeed, waa in dib la isugu noqdo, ciidamada qeybahooda kala duwan, dowladda iyo shacabkuba iyagoo iskaashanaya waa inay dib u fiiriyaan sidii aan u hanan lahayn nabadgalyadeenna iyo dowladnimadeenna", ayuu yidhi danjire Seed.

Horay ayey dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u ballan qaadday in la dhisi doono ciidamo isku dhaf ah oo kasoo kala jeeda degmooyinka iyo gobollada dalka, hase yeeshee, qorshahaas ayaan wali hirgalin.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale horay ugu yaboohday inay gacan ka geysan doonto dhismaha 18,000 oo askari oo Soomaaliyeed, kuwaasoo la wareegi doona amniga qaranka.

BBC


Loading...
Loading...