Gobol Laga Mamnuucay Astaamaha Muujinaya Diimaha

0
Saturday March 30, 2019 - 07:52:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobol Laga Mamnuucay Astaamaha Muujinaya Diimaha

    Gobol ku yaala dalka Canada ayaa laga wadaa dadaal lagu doonayo in lagu dhaqan galiyo sharci dadka u shaqeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gobol ku yaala dalka Canada ayaa laga wadaa dadaal lagu doonayo in lagu dhaqan galiyo sharci dadka u shaqeeya dowladda ka mamnuucaya inay xirtaan ama sameystaan wax muujinaya astaamaha diimaha.


Dadka uu qabanayo sharcigan ayaa waxa ka mid ah, garsooreyaasha maxkamadaha, xeer-ilaaliyeyaasha, saraakiisha ciidanka, macalimiinta iyo mas'uuliyiinta kale ee xilalka kala duwan haya.



Ma ahan markii ugu horreysay ee gobolka Quebec la isku dayo in la meel mariyo sharciga noocan ah.


Kooxo badan ayaa isku diyaarinaya siddii looga hortagi lahaa dhaqan galinta sharcigan.


Qaraarka 21 aad ayaa shaqaalaha dowladda ka reebaya inay xirtaan dhar muujinaya astaamaha diimaha sida xijaabka ay xirtaan haweenka muslimiinta.


Qaraarkan ayaa waxa uusan qaban doonin dadka dowladda u shaqeeya ee horay u qaadan jiray.


Isbahaysiga Avenir Quebec ayaa waxa ay rajaynayaan in xildhibaanada ay meel marin doonin sharcigan xagaaggan.


Midowga macaliimiinta ayaa ka hor yimid sharcigan iyaga oo sheegay inuu si gaar ah u saameyn doono guddiga iskuullada.


Midowga oo ka kooban 43,000 oo barayaal ah ayaa sheegay in arrintan ay ka hor imaanayso xuquuqda iyo sharciga dalka Canada.


Ma'ahan markii ugu horreysay Quebec

Muddo toban sano ah ayaa gobolka waxaa ka socday muran dhanka diimaha ah iyo isdhexgalkooda, mana ahan markii ugu horreysay ee mas'uuliyiinta xisbiga talada haya ay isku dayaan inay manuucan xirashada astaamaha diimaha.

Sannadkii 2014-kii, xisbiga waxa ay soo jeediyeen in goobaha ay dadweynaha iskugu imaadan laga mamnuuco astaamaha diimaha, waxayna sidoo kale sharci ka dhigeen in dadka u adeegaya dowladda aysan xiranin indhashareer.

2017-kii, waxaa la meel mariyey sharci mamnuucaya in xarumaha dowladda ay soo galaab haweenka indhashareerka qaba.

BBC

Loading...
Loading...