Madaxwayne Biixi Ma qaadan Doonaa Taladda Ergooyinka U Tagay Mise Tii Buurmadaw ayuu Tixgalin Doonaa

0
Friday January 17, 2020 - 18:33:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Biixi Ma qaadan Doonaa Taladda Ergooyinka U Tagay Mise Tii Buurmadaw ayuu Tixgalin Doonaa

    waxeynu Wada ogayn inToddobaadkii hore Madaxweynaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxeynu Wada ogayn inToddobaadkii hore Madaxweynaha Somaliland
 Muuse Biixi Cabdi uu gaashaanka U daruuray Arintii la Isku ogaa ee Badelaada iyo ka noqoshada Xubnahan Komishanka Doorashooyinka ee Muranka badan dhaliyay taas oo ay lawada fajaceen guud ahaanba Shacabka Somaliland islamarkaana aan laga filayn màdaama la eegayay in Lasoo afjaro khilaafka Xisbiyada .



Soomaalida Waxey tidhaahdaa Meyd keebaa U Dambeeyay Kaa Lasii Siddo ergadii U Dambaysay ee haldoorkii Somaliland ayaa Caawa U Taggey oo Culimo iyo odoyaalba leh kuwaas oo kala Hadley aayaha Dalka iyo Dadkaba iyagoo U Sheegay Ka Madaxwwyne ahaan in looga bàahan yahey in uu tanaasul Sameeyo oo qaato Taladda ismarkaana kala dirro Xubnahan Komishanka Cusub at Cabdirashiid Riyo raac Gudoomiyaha U Yahey.


nin horaa laga hayay hadduu Geelu Geeliisii layqqaanay yaheyna habeeda Xaga Dambe ayaynu ka eegi doonaa hadduu mid Cusub yaheyna Xaga hore ayuu Ku Yeelan Doonnaa Hadduu Madaxweyne Biixi Dalka iyo Dadkaba U Tudhayo  Wuxuu qaadan doonaa Taladdaa odoyaasha Caawa u taggey hadii kalena Tii Macruufka aheyd ee Boqor Buurmadaw ayuu ku adkeysan isagoon u tudheyn Dimuqraadiyadda iyo Tawfiiqda Somaliland kusoo caanamaashay.

waxaana la odhan doonaa Somalilandey Wakaa Muuse Biixi 


najiib Ismaaciil Maxamed 
Somaliland Gabiley
tell 0634466339
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...