Maansada Dar-Daaran:

0
Thursday January 16, 2020 - 08:32:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada Dar-Daaran:

    Maansadan waa mid kamid maansooyinka waanooyinka wax ku oolka ah ku jalbeebiya umada soomaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan waa mid kamid maansooyinka waanooyinka wax ku oolka ah ku jalbeebiya umada soomaliyeed.

Waxay umada si guud u siinaysaa dardaaran hor-leh kaas oo dhinacyo kala gedisan taabanaya aduun iyo aakhiraba, horumarka dunida aan guudkeeda saaranahay iyo sidii aan wax uga qabsan lahayn, iyo sidoo kale u tabaabushaysiga geediga hayaanka ah ee aakhiro ee lama huraanka ah.

Maansadan waxa curiyey cabdirisaaq axmed cigaal(darwiish) waxaanu yidhi isagoo arimahaa si dareen taabad leh usoo banbixinaaya:

*    Ha u diririn duunyada

*    Ha ku daalin daaraha

*    Ha u dansheegan waayaha

*    Hana dayicin diintiyo

*    Dacwadii rasuulkiyo

*    Daakiraada subixiyo

*    Eebihii kuu duurbiday

*    Cibaadadiisa doorka ah

*    Dunidiisa yaabka leh

*    Ha ku doodin cuudkiyo

*    Cilmi iyo daraasado

*    Ama dabaqyo dhaadheer

*    Ha u dudin weligaa

*    Damanaha hurdaayee

*    Daad-xoortu qaadee

*    Aan dedaalin abidkii

*    Wehel u tahay duunyadu

*    Darsi weeye noloshuye

*    Dantaada ka ogow

*    Caafimaadku waa dahab

*    Dadka daaim saaroo

*    Waxa garan mid dilan

*    Iyo kii sariir dulyaalee

*    Ishu daawanaysee

*    Dibindaabyo ugu jira

*    Dumarkeena qaaliga ah

*    Dunjigooda wanaagsan

*    Xilaheena deeqda leh

*    Yaan wax daw-dhaafiyo

*    Deelqaaf la odhanin

*    Kii dulaystayoow maqal

*    Dambi kamaad yaabine

*    Dameerkuba ma yeeleen

*    Halkaad talo u doorbiday

*    Duunyadaada gaarka ah

*    Deyr adag ku xidho

*    Yaanay kaa didine

*    Xoolaha dadweynaha

*    Daankaaga yey gelin

*    Uurkaaga ha daajin

*    Dabaqyada cadaabaha

*    Dirirteeda ka fogow

*    Duulaanka sokeeyaha

*    Daandaansi ka dhowrso

*    Qaarbaa loogu dawgalee

*    Dulqaadkana ha saydhin

*    Iyo daacadnimada caynkeed

*    Jaarka deriskaagana

*    Xaq dhowr ugu dedaal

*    Digtoonaada weligiin

*    U dedaala aakhiro

*    Duni joogi maynee

*    Duunyada xageedana

*    Danihiina ka adkaada

*    Hore u kaca doona

*    Saboolnimada diida

*    Risiqiina u doonta

*    Degalkiina hodanka ah

*    Soo saara dalagiyo

*    Dahabkiyo naxaastiyo

*    Diisalkiyo batroolkiyo

*    Ama deemantiyo luulkiyo

*    Diisha faqriga tuura

*    Qaadkaad daainteen

*    Degelkiinii ba’shee

*    Daciifnimo idiin saaray

*    Duunyadiinii lunshee

*    Eyro iyo geelba loo duubay

*    Aakhiradiinii ku duulay

*    Digtooni u lahaada

*    Dubaaqiina ka saara

*    Daryeel idiin mahayee

*    Qabyaaladan dulaysan

*    Ku kala durkay xigaalkii

*    Xididna aan loo doorbidin

*    Inta aabo loo duugay

*    Inta loo gawracay wiil darban

*    Inta dumar asay qaaday

*    Inta hooyo goblan daaray

*    Inta loo kala dhacay duunyo

*    Inta soomaali isu diiday

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...