Khidada Shinahu Ma Jabin Kartaa Doqoniimada Marykanka.

0
Thursday January 09, 2020 - 20:01:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khidada Shinahu Ma Jabin Kartaa Doqoniimada Marykanka.

    Ifafaalahii dagaalkii sadexaad ee aduunka 1/9/020

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ifafaalahii dagaalkii sadexaad ee aduunka 1/9/020

Markii uu xafiiska qabasaday trump sandkii 2017 dii waxaa uu isku tagay in uu ka baxo heshiisyo badan  oo ay saxeeday dowalada marykanku amaba xuku madahii ka horeeyey saxeexeen waxaanu   ku sheegay heshiisyadaas qaar xaqdaro ku ah  dalka marykanka, heshiisyadaana waxaa ugu can sanaa kii amaba mucaahadadii gantaalaha ridada dhexe , taas oo ay saxeexeen labdii madxwayne ee Rone Regal iyo Garbojoof, sandkii 1987kii, waxaana loogu yeedhay Ruushka iyo Marykankaba in ay bedelaan heshiiskan in la horumariyo sawaariikhda ridadoodu tahay 500km, sida cadna Mosko waxay ku hanjabtay in ay ka baxi doonto macaahadada ( STAR TWO ) iyo in ay yarn doonto heshiiskii hubka stratiijigaa  taas oo dhamaanaysa 2021ka iyo in la cadeeyo inla fidiyo sawarikhada qaada madax hubka nuclearkaa ee Yurub,



Iyada oo taasi jirto ayaa hadan Trump waxaa uu Shiinha ku soo rogay cuno qabatan taas ahayd dhinaca isgaadhsii   shirkadii HAWIEY ee laga lahaa Shiinha ,  kadib markii uu Shiinahu uu furay marin Gaaska Ruushka laga soo qaadayo Saybeeriya,si loo joojiyo Gaaska marykanka , taasina waxay in atusaysaa dadaalka Shiinha iyo Ruushka  ay dhamaystireen dhaqaalha ka soo horjeeda marykanka,


Gadominta marykanka ee shiinha iyo ruushka

Ku tirsanaanta startiijiyadeed  siyaasadeed  marykanka taas oo  uu dejiyey Obama sandkii 2010kii ee uu isku dayey in uu soo celiyo miisaankii bada konfureed ee Shiinha, iyo isbahaysiyada ku lidka ku ah Shiinaha , taasi waxay tusaale u tahay sii siyaadida maraakiibata  dagaalka ee marykanka ee  marinka isku xidha bada degan iyo bada korfureed ee Shiinha  ee sandkii 2012kii ,taas oo Shiinhu na difaacay si aanu muran ku jirin mashruuca aadka uwayn 2013kii ee loogu magic daray dariiqii suunka ,taas oo lagu curinaayey tiro jidad isgaadhsiineed oo badaa iyo barigab ah iyo wadooyin  tareeno ah , taas oo qaadaysa allaabooyinka shiinha ilaa badhtamaha aasiya iyo yurub oo ay garab socoto tamarta Gaaska Ruushka iyo tijaarada baayacushtariga

 

 

Jasiirada qarim

Dhanka kale waxa uu OBama maamulkiisii bilaabay in uu bedelo  oo uu  caawiyo    siyaasadii Yukrayn samadkii 2014kii isgoo taageeray kacdoonadii ay dabda ka riixayeen reer galbeedku ,taas oo xulafadii Mosko ay la timi quwad siyaasadeed oo u dhiganta ta maraykanka , taas oo madxwaynha Ruushu Putin si adag udifaacay, waxaanu   Muhiimad gaara siiyey jaziirada Qaram sababtoo ah ahmiyada ay leedahy dekadeedu lagana dhigay xarun ciidamada bada ee Ruushka  ee konfurta,waxa   uu iskugu taageen uuna  caawiyey xarakadii   gooni ugoosatadii  ee bariga Yukrayn Meletri ahaan ,taas oo natiijadeedu noqoatay in ruushaka loo diido in helikabtarada faransiiska laga gado, iyo in lafadhiisiyo mashruuca Gaasta ee la soo  marinayo korfurta yurub, waxaa kale oo NATO bilowday  in ay fidiso awoodeeda   dalalka Boland iyo Romaaniya ,


By: khaddar adam aw muuse

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...