Sir Si Hoose Uga Soo Baxday Maamulka Hargeysa.
Shirkaas isaga ah waxa lagu qanciyey Komishankii hore in ay yidhaahaan la shaqayn mayno Cirro iyo waddani, waayo waakii kalsoonidda nagala noqday, inta kii walba la siiyey $30.000. Si loogu qanciyo Cabdiraxmaan Cirro way diideen Komishankii hore in ay xilka ku soo noqdaan. Maadaama ay sidaas tahay-na kuwan Cusub ee la dhaariyey baa xilka haynaaya.
Go'aan kaas laga soo abaabulay guriga Saleebaan Gaal, baa waxa maalinta Sabtidda ah ee Bushu tahay 11/01/20, loo sheegayaa Cirro iyo Faysal in ay ogolaadaan duruufta timi, maadaana ay inaga gacan taagteen Komishankii gudidda dhexdhexaadintu tidhi ha la soo celiyo. Haddii xaalku halkaas marayo, labadda Gudoomiye Mucaarid waa Faysal iyo Cirro"e, waa in ay yidhaahaan, ha la tuuro labadda Komishanba, oo mid sadexaad oo dhex ah ha la soo doorto. Cirka ha isku sii shareerto, oo haku dambayso " Ila Meerayso" iyo hadalkii Mujaahid Abdi Ibrahim lagu xidhay, markii uu runta ka sheegay xaqiiqdda Hargeysa taala.
Qore;- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!