Cidda Faysal Dacweysay waa Cid SOMALILAND Dacweysey
Hadaba Muwaadiniintaa Dahabka ah, ee geesiyaasha iyo hantida qaranka Somaliland ku sifoobay waxa kamid ah Gudoomiyaha Xisbiga Qaran ee Ucid eng Faysal Cali Xuseen (Hanti Qaran) ilaahay ha xafidee, waxa aynu wada ogsoonahay in Mudane Faysal uu yahay muwaadiniinta reer Somaliland ee cadawga Somaliland ay ugu necebyihiin, oo sababna u tahay difaaca qaranka Somaliland iyo qadiyada Somaliland xaga uu ugu jiro awgeed, cadawga Somaliland geed dheer iyo geed gaabanba wey u korreen siddii ay wax yeelo u gaadhsiin lahaayeen sumcadiisa, qofnimadiisa iyo hadafkiisa siyaasadeedba Mudane Faysal (Hanti Qaran), cadawga Somaliland waxa ay aad uga gubta weedhaha naabaalka ah ee uu ku gano ee uu ku difaaco qadiyada Somaliland.
Se maanta waxa fajeciso, layaab, qaadanwaa' iyo afkala qaad noqotay in la sheegey in qoyska ama caa'ilada madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ay Dacwad kasoo gudbiyeen Mudane Hanti Qaran Faysal Cali-waraabe, doonayaana in loosoo xidho!!, waa yaab iyo yaabka yaabkiiye!,
Waxa
aynu hore u ogayn dhacdadii foosha xumayd ee Xukuumada Somaliland ninka
ajahanabiga ah ee JABUUTI u jooga Somaliland ay tidhi u jawaab oo
dalkiisa iyo caasimadiisa ku dhex aflagaadee Gudoomiyaha Mudane Hanti
Qaran Faysal Cali-waraabe, taas oo deelqaaf ku ahayd qaranimada iyo
jiritaanka Somaliland aadna uga cadheysiisay muwaadiniinta xalaasha ah
ee reer Somaliland,
waxa
jirtay in Mudane Muuse Biixi oo aan ahayn Gudoomiye Xisbi dalkana aanay
asxaab siyaasadeed ka jirin uu ku eedayn jiray Madaxweynihii salka u
dhigay qaranka Somaliland ilaahay haw naxariistee Marxuun Maxamed Xaaji
Ibraahin Cigaal, in qoyskiisii uu Dalka u gacan geliyey iyada oo aanay
jirin se aan cidi dacweyn buusna ku odhan, se Mudane Hanti Qaran oo ah
hogaamiye Xisbi Qaran oo Mucaarad ah oo dhaleecayn ama tusmayn kara
Dalka waxa ka jira, qoys baa dacwad ka qaba Hadal maaha, cidda tidhi
Mudane Hanti Qaran Faysal Cali-waraabe ayaanu dacwad ka qabnaa hala
hubsado maaha muwaadiniin reer Somaliland ahe waayo cidda tidhaa Faysal
baanu dacweyneynaa waa Cid tidhi Qaranka Somaliland baanu dacweyneynaa.
Hadal iyo dhamaan muwaadiniin baa ku dhimatay jeelal qoysasbaa ku ubad waayey rasaas ciidan riday Cid kiis u furatay oo soo dacwad tagay ama loo xidhay, ma hayno, laakiin xaajadan ugub ee qoys, Madax qaran loo xidhaayo waa wax qaran dumis ah oo cadawga Somaliland ka danbeeyo oo hore JABUUTI ayaa lugo kula jirtay Mar ay muwaadiniin hantidooda iiga qaadaa tidhaa iyo Mar ay madaxda qaran Dalka gudihiisa ku Af lagaadeeya tidhaa, Xamarna makusoo biirtay oo Xamar iyo fiila Soomaaliya iyo Farmaajo Faraha maynala soo galeen ileen waa la ogyahoo dacwada Gudoomiye Faysal Cali-waraabe (Hanti Qaran) XAMAR baa laga soo abaabulay wax la qaadan karo maaha ee warka XAMAR NAGA DHAAFA Mudane Faysal Cali-waraabe waa Hanti Qaran e.
Illaahay baa Mahad leh
Midnimana Somaliland
Fuad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!