Maxaad Waydeen? Maxaase Idinka Maqan?

0
Tuesday January 07, 2020 - 17:50:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Waydeen? Maxaase Idinka Maqan?

    Aayadaasi waxay ku timid Qisadii Nebi Yuusuf(CS) iyo walaaladiis ka dib markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aayadaasi waxay ku timid Qisadii Nebi Yuusuf(CS) iyo walaaladiis ka dib markii
uu dhawaaqay mid dhawaaqayaa isagoo leh, "safaryahow tuug baad tihiin, Markaasay ku soo jeedsadeen iyagoo leh "Maxaad waydeen” [Yuusuf:71]



Inagoo ka soo amaahanaynaa Quraanka , saw inaan is waydiino waxa ina maqan waajib maaha? Ma is waydiiseen waxa idinka maqan qof, qoys iyo qaranba? Ma is xisaabisay adigu waxaad qabsatay sannadkii tagay? Waxa kuu kordhay iyo waxa ku seegayba?

 

Qofku marka uu garanayo waxa ka maqan waxa uu ku dedaalaa siduu u soo ceshan lahaa taasi oo keenta dedaal iyo hawl joogto ah oo uu ku raadcaynayo siduu u heli lahaa waxaasi ka maqan, Quraan akhriksu ma kaa maqanyahay? Imisaad akhridaa quraan maalintii, todobaadkii iyo bishiiba? Salaadaada ka waran intaad Jamac ku tukatay iyo inta kale? Shaqadaada ka waran intaad ka habsaantay cudurdaar la,aan iyo intaad hagratay? Caruurtaada iyo ooridaada intaanad u adeegin ee aad gabtay? Aqoontaada intaad kobcisay?.

 

Maxaa ka xun maalmo ku soo maray adoon waxba nolosha ku kordhin haba yaraatee, xitaa hadday noqoto qof wadada kaaga soo hor baxay oo aad salaanta islaamka ku salaantay, noloshana maxaa ka cidhiidhi badan markaad waxba qaban waydo, qofka marka uu waxba qaban waayo waxa ku soo burqada fikirka xun iyo hoosaynta nololeed oo ay ku lammaantahay nolol caajis ah, maantada uu joogo ay la mid tahay shalaydii uu ka yimid, wax cusub oo la sheego ma soo kordhin, raad laga sheekeeyana kama tagin, naftiisa ma dhisin, aqoon ma korodhsan, xirfad uma tafaxaydan, wax uu qabtayna aanay jiran,.

 

Waxqabad waxaa ka mid ah inaanay maalin ku soo marin adigoon waxba ku soo darin noloshaada haba yaraatee, tallaabo qudhaatana aan hore u qaadan, waxqabadkuna maaha waxyaabo waawayn inaad la timaadid,waxaase ka mid ah; hal bog oo aad akhristay, fiidyaw faa,iido leh oo aad daawatay, goob aqooneed oo aad tagtay kana soo faa,iiday, Salaadda subax oo aad jamaaco ku soo tukatay, Allaha ku abuuray oo aad xustay, Xabiibkaaga Muxammed (SCW) oo aad ku salliday, intaasi waa guul, intaasi oo aad joogtayso ayaa keenta inaad noqotid qof dhisan oo guulo waawayn sameeya.
Qoyskuna ha is waydiiyaan waxa ka maqan, haddii ay tahay Cibaadadooda, Waxbarashadooda, wada tashigooda iyo nolol maalmeedkoodaba, waxyaabaha ka maqan qoysas farabadan waa iska warhayn la,aanta iyo xog la,aanta dhexdooda taala
Laga yaaba inuu ninku daalanyahay u kallaho duruufta reerkiisa, gabadhuna u dhabar adaygto maamulka reerka, habayntiisa iyo hagaajintiisa una hagarbaxdo, balse midba ka kale uu arkayo qof aan waxba qaban, oo ay kaligii uun hawshu ku dhacayso. Taasina waxay u bahaantahay in qof kastaaba ogaado xaqa lagu leeyahay iyo waajibka saaran, si uu markaasi waajibkiisa u guto ka dibna xaqiisa u helo, laakiinse adoon waajibkaagii ku saarnaa gudan inaad ku gunuusto xaq iyo xuquuq ma lihi ma fiicna.

 

Ubadkii baa iyaguna u baahan in tamar la galiyo si midho fiican oo labada daaroodba aan ugu indho qabawsanno. Ma rabtaan in ubadkiina iyo guryihiinu idiin wanaagsanaadaan, dedaalkiina kordhiya, xil waynna iska saara sidaad ula sheekaysan lahaydeen ula fadhiisan lahaydeen wakhti badan u siin lahaydeen, aqoontiina aad u kordhin lahaydeen.

 

Qarankuna haddii uu garan waayo waxa ka maqan isna waa musiibo inteeda leeg, maxaa keenay in wadamada qaar horumar iyo guul is daba jooga ay gaadhaan, halka kuwa kalana aanay meeshoodii dhaafin iyagoo isku dhul, dhaqan iyo dhaqaale ah? Waxa inaga maqan waa nidaam (System) hufan oo ka madax banaan, boob iyo sed-bursi, Miisaaniyada la dhigto ee tirooyinka ah iyo waxa lagu qabto haddaanay is lahayn saw xisaabtan la,aani inagama maqna?

Bulsho cashuur laga qaadayo hadana hawlihii dawladda iyagu haya,abaalna loogu hayn kay doorteenna uu ka taajiro, maalkoodiina ku takri falo isagoon xishoonayn, xajiimoonayn walibana isla saxsan inagaa jirna, waana isha la inaga arkay.

 

Qofku markuu ogaado waxa ka maqan ayuu doontaa, cid aan garanayn in wax ka maqanyihiin iyo inkale waxay ku dhex wareegi meesheeda iyagoon dhanna u dhaafayn

 

Qallinkii Cabdiqani Xaaji Cali

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...