Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland Axmed Carwo oo tacsi Udiray Geerida EX-Wasiir Aadan Axmed Warsame

0
Tuesday January 07, 2020 - 08:27:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland Axmed Carwo oo tacsi Udiray Geerida EX-Wasiir Aadan Axmed Warsame

    INNAA LILAAH WA INA ILLEYHI RAAJACUUN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

INNAA LILAAH WA INA ILLEYHI RAAJACUUN


Waxaan aniga iyo xaaskeygu tacsi tiiraanyo badan u diraynaa xaaska, ubadka,, ehelka kale xigto iyo xigaal iyo qaranka Somaliland xukuumad iyo dadweynaba, geerida kediska ah ee uu maanta 06/01/2020 ku geeriyooday Hargeysa Wasiirkii ugu horeeyey ee Wasaaradda Distoorka iyo Xidhiidhka Golayaasha saaxiibkay marxuum Aadan Axmed Warsame. Waxaanu marxuumka Alle uga baryeynaa dambi dhaaf taam ah, naxariis iyo inuu qabriga u nuuro una waasiciyo oo uu uga dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Waxaan tacsida la wadaagayaa Jaaliyadda Somaliland ee Cardiff, U.K oo uu qoyskiisu ku nool yahay kana ahaa musdambeedka Jaaliyadda, sidoo kale waxaan tacsi gaar ah la wadaagayaa goballada Gabiley iyo Awdal oo ahaa degaankiisa.

marxuum Aadan waxuu ahaa nin cibaado badan, run sheeg ah oon marna ka gaban, kana libiqsan. Waxaan xaaska, tafiirtiisa, waalid iyo walaal, xigto, xigaal iyo asxaab Alle ka baryayaa inuu  ina waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.


Axmed Xasan Carwo
Agaasimaha Guud
Baanka Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...