Wada- hadalada Somaliland iyo Somalia. Qaybtii 1aad

0
Tuesday January 07, 2020 - 00:24:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada- hadalada Somaliland iyo Somalia. Qaybtii 1aad

    Magacaygu waa Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacaygu waa Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste).

                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                         04.01.2020

Waxaan u dhashay ,kuna dhashay Somaliland,gaar ahaan Gobolka Togdheer.Waxaan wax ku bartay,kuna barbaaray Soomaaliya,gaar ahaan magaalooyinka Jowhar-Muqdisho iyo Afgooye.Waxaan si fiican u aqaanaa dhaqanka Somaliland iyo kan Soomaaliya labadaba.

Marka laga soo bilaabo sanadkii 2002 ilaa xilligan aynu joogno waxaan si toos ah iyo si dadbanba ugu jiray guud ahaan Siyaasada Somaliland,gaar  ahaan Siyaasada Arrimaha Dibadda  ee Somaliland,anigoo xilal kala duwan ka  soo qabtay,Xisbiyada iyo Xukuumadaba.

Haddaba waxan jecelahay in aan halkan idiinku soo gudbiyo maqaalo taxane ah oo aan kaga hadlayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.Waxaan qodob qodob isu dul istaagi doonaa arimo badan oo aan filaayo,in aad ka heli doonto macluumaad badan oo loo baahnaa amase waxtar leh.

1.Daraasad(Cilmi baadhis)

Soomalidu guud waxaa ka dhexeeya  Isir-Af-dhaqan-Diin iyo Deegaan,waxa keliya ee ay isku haysataana waa Siyaasad.

Guud ahaan haba yaraatee ma jirto,wax daraasada amase cilmi baadhis ah oo lagu sameeyey,arimah ay isku haystaan  Somaliland iyo Soomaaliya.

Tv-da oo layska caayo iyo in Wasiiro amase laba Wafti kulmaan,waxaa ka muhiimsan in la derso,waxa laysku haysto,lana fahmo miisaanka iyo muhiimada ay leeyihiin wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya

Soojeedin:-

Anigu waxaan u soo jeedinayaa  labada Dowladood amase labada Dhinacba Somaliland iyo Soomaaliya inta aanay bilaabin wada-hadalka in marka hore la dhiso Guddiyo Aqoon yahano ah,soo diyaariya waxa laga wada hadlayo,iyadoo loo kala horeysiinayo sida ay u kala fudud yihiin.

 La soco qaybta 2aad iyo Maxaa looga jeedaa Somaliweyn(Shanta Soomaaliyeed)

 

ALLAA. M A H A D    L E H

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 [email protected]

 fb. Abdi Saleiman


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...