Sanadkan,
2019, waxa la xidhay 88 qof oo aragtidooda dhiibtay. Waxa ka mid ah 29
suxufi iyo 59 qof oo kale oo aan suxufiyiin ahayn.
Hada
waxa dacwad ciqaab ahi ku socotaa tafatiraha Horn Cable TV, Cabdiqaadir
Saleebaan Cusmaan (Coday) oo lagu haysto war telefiishanku sii daayay
oo ku saabsanaa waraaq shirkad diyaaradaha ahi u qortay gegida
diyaaradaha ee Somaliland iyo waraysi laga qaaday hogaamiye jabhadeed.
Sanadkan waxa la xayiray afar warbaahinood:
· Maxkamad
ayaa xayirtay shabakadda wararka ee Hadhwanaag kadib markii ay
daabacday eedo musuqmaasuq oo lagu eedeeyey gudoomiyaha Bangiga Dhexe.
Waxa la xidhay sadex suxufi oo ka tirsan shabakadda kuwaas oo markii
danbe lagu sii daayay damiin. Hada waxaay u baxeen dalka debediisa iyaga
oo sheegay inay baqdin uga carareen dalka.
· 10 February 2019 waxa la xayiray mudo sanad ah wargayska Foore oo lagu haystay war uu ka qoray madaxtooyo cusub oo laga dhisayay Hargeysa.
· 15 June 2019 waxa amar uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta lagu xayiray labada telefiishan ee Horyaal iyo Eryal. Looma sheegin waxa lagu xayiray. Wad hadal kadibna waa laga qaaday xayiraadii.
· Wasiirka warfaafintu amaro is daba joog ah oo cabudhin ku ah warbaahinta ayuu soo saaran sanadkan gudihiisa.
Cabudhinta lagu hayo mucaaradka
Habeenimadii 17th of November 2019 waxa la xidhay xoghayaha guud ee xisbig mucaaradka ah
ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi, iyo af-hayeenkii xisbiga, Barkhad
Jaamac Batuun, kadib markii xisbigu ku baaqay in taageerayaashiisu isugu
yimaado xarunta guud ee xisbiga. Waxaay xabsiga ku jireen 9 maalmood.
Waxa lagu soo daayay dhex-dhexaadin.
Waxa
sidoo kale la xidhnaa oo isla mar la sii daayay Cabdi Ibraahim Cabdulle
oo ah muwaadin rayid ah oo lagu qabsaday hadal kaftameedka caan baxay
ee "ila meerayso” oo ay dawladdu dhibsatay.
Maxamed Sidiiq Dhame oo ah hogaamiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani ayaa la xidhay 1 May 2019 kadib markii uu dhaliilay xaalad degdeg ah oo ay dawladdu ku soo rogtay gobolka Sanaag. Wuxuu xidhnaa laba bilood iyo badh.
Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa la xidhay 9 May 2019 markii uu dhaliil ku aadan dabaal degga 18 May jeediyay. Xadhigiisu wuxuu ka soo horjeeday dastuurka oo damaanad qaaday xorriyada hadalk islamarkaana mamnuucay in la xidho xildhibaan hadii aan ogolaansho laga haysan Golaha uu ka tirsan yahay. Maxkamadu way diiday inay rumaan garayso, sidoo kale baarlamaanku wuu diiday inuu maamuuska ka xayuubiyo. Hadana wuxuu xidhnaa mudo bil ah. Waxa lagu xidhay qaybta u dhisan argagixisada ee ku taal CID da Hargeysa. Waxa lagu sii daayay dhex-dhexaadin oday beelleedyo galeen.
Dawladda Somaliland waxaay is-hortaagtaa mudaharaadda aanay iyadu ogolaansho siin. 16 November 2019 xisbiga mucaaradka ah ee Waddani wuxuu ku baaqay isku soo bax taagerayaashiisu ku tagaan xaruntooda Hargeysa. Waxaay kaga cabanayeen muran ku aaadan xubnaha cusub ee Gudida Doorashooyinka. Arooryadii 18 November markii taagerayaashoodu ku soo urureen xarunta waxa ay meeshii ugu tageen gawaadhi booliis ka buuxo oo ku hareeraysan xarunta. Iyaga oo arooryadii hore la sii wareegay xafiiska, debedana uga saaray shaqaalihii.
Badhasaabka
gobolka Hargeysa wuxuu amar ku siiyay hudheelada Hargeysa inanaay
ogolaan shir ama xaflad aan mark hore ogolaansho ka haysan dawladda.
Amarkan oo ka soo horjeeda dastuurka wuxuu cabudhin ku yahay xorriyadda
kullanka. Wuxuu si gaar ah u saameeyey xisbiyada siyaasadda oo sheegay
in la iska hortaagay kulan.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac wayn ka qabtaa falalka ay dawladdu ku kacayso. Waxaanu ugu baaqaynaa masuuliyiinta inay ixtiraamaan dastuurka, joojiyaan ciqaabta warbaahinta, iyo cabudhinta ay ku hayaan mucaaradka iyo dadka dawladda dhaliila. Waxaanu dawladda ugu baaqaynaa inay xayiraadda ka qaado warbaahinta ay xayirtay iyo inay sii dayso suxufi Cabdiqaadir Saleebaan Coday.
Yasmin Omar Haji Mohamoud
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Somaliland
Email: [email protected]