Beesha Caalamka Oo Wefti Culus U Diraya Somaliland, Wakhtiga Ay Hargeysa Tagayaan Iyo Ujeedada Ka Dambaysa .

Monday December 09, 2019 - 14:15:27
Beesha Caalamka Oo Wefti Culus U Diraya Somaliland, Wakhtiga Ay Hargeysa Tagayaan Iyo Ujeedada Ka Dambaysa .


Hargeysa(HWN):-Wadamada beesha caalamka ee somaliland ka taageera dimuqraadiyada, horumarka iyo doorashooyinka ayaa qorshaynaya inay wefti.


Wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa qorshaynaya inay somaliland u diraan wefti culus oo ka hawl gala khilaafka u dhaxeeya mucaaaridka iyo muxaafidka isku haya arimaha doorashooyinka iyo guddidii dhex dhexaadin lahayd oo xisbiga ugu weyn mucaaridka ah ee Waddani uu si adag uga soo horjeedsaday xubno lagu daray.

Natiijada sawirka beesha caalamka

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) iyo Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah saraakiisha xisbigaasi ayaa ku sugan magaalada Nairobi kuwaas oo wakiilada beesha caalamka gaadhsiiyey dacwad ka dhan ah qaabka Muuse Biixi khilaafka u galiyey guddidii cusbayd ee doorashada oo uu ku daray xubno ka mid ah xisbigiisa Kulmiye.


Wakiilada beesha caalamka ee ku sugan Nairobi ayaa dacwada ay soo gaadhsiiyeen masuuliyiinta xisbiga Waddani waxay kaga jawaabeen in bishan December 18-keeda ay somaliland u diri doonaan wefti culus oo mudo laba maalmood ah joogi doonaa, kuwaas oo Muuse Biixi iyo xukuumadiisa kala hadli doona khilaafka ka taagan arimaha doorashooyinka.

     
Loading...