Ku .Xisbiyadda Mucaaaradka Ah Wadani Iyo Ucid Somaliland

Monday December 09, 2019 - 08:17:03
Hadhwanaagtv
SIda uu dhigayo dastuurka SOAMLILAND dalkan wuxuu yeelanayaa
3 xisbi qaran .kuwaas oo 10  sannadoodba mar la doorto .lana furo ururadda .3 ugu codka badana ay noqdaa  sadex xisbi qaran ee dalku yeesho. Asxaabta waxaa loo sameeyey in lagaga baxo qabyaaladda balse hadda xadhkaha ayey goosatey  oo meel laga soo qabto lama yaqaano.


Mucaaraddka waxaa loo sameeyey in dawlada markaa jirta laga qabto khalalaadka sharci ee gashay lana sheegp dhaliilaheeda  iyo baylahda  ka dhexjirta arrimaha bulshadda , waxbarasho,caafimaad, biyo ,shaqo  la,aaneed sicir barar iwm Xisbiyadan aan xaga sare ku soo sheegay waa inay ka  hadlaan  oo dhibaatooyinka jira ay sheegaan .Waxaana wanaagsan xoghaya kasta inuu shaqadiisa ka soo baxo uu xisbikasta u magacaabay.  Waa inaad Gobolada iyo degmooyinka aad  u baxdaad  si aad u aragtaan baahiyaha kala duwan ee halkaasi ka jira maahaa oo kaliya marka aad codka dooneysaan inaad safartaan .Wakiilada idiin jooga goboladda iyo degmooyinka waa inay ahaadaan qaar shaqeynaya -  Xisbiyadu waa inay la haadan  member dad u diwaan gashan oo bixiya feeg  ama lacagta xubinnimada sanadkii  am lixdii  bilood waa inuu bixiyaa-


 Gobolkast  iyo degmo kasta waa inay yeeshaan gudoomiye , gudoomiye ku xigeen. xoghaye  .khasnaji. hantidhawr  iyo gudifulineed mudo xileedkooduna uu ahaado sannad .xubnahaasi uu xilku ka dhamaaday dib way isu soo sharixi karaan haddii ay doonaan.


Waxaan ku soo koobayaa Xisbiyadan mucaaradka ah intaad fadhiga ka kacdaanaad  muujisaan kaalintii mucaardnimo,gaar ahaan  xisbiga c UCID  oo lagu xanto inuu yahay xisbi muxaafid ah waa inuu muujiyaa kaalintiisa  mucaaradnimo . Anigu waxaan qabaa in aan xisbiyadan  Wadani iyo UCID aan looga baqeyn inay dalkan burburiyaan laakin shacabka Somaliland waxay cabsi  badan ka qabaan in Kulmiye iyo xukuumadiisa ay dalkan burburiyaan haddii aanay wax ka badelin dhaqamadan foosha xun ,xadhiga,cabudhintaa  talo maroorsiga ku sufoobay-

Ahmedbudul@hotmail-com
Ahmed Ismail
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...