Muuse Biixi Wadanka Waa Baabiiyey Ismana Lihi Somaliland Wey Siijireysaa ?!

Friday November 22, 2019 - 15:34:11
Hadhwanaagtv
Waxan qalinka u qaatay markaan la yaabay
sida muuse biixi oo wadanka ku qabsaday dhac iyo is daba marin doorosho uu dalka godka ugu sii ridayo ee umadiiba fajacday 

Waxaan maqli jirey haduu niman talin jirin taliyo niman tagi jirin ba taga 
Wey dhacdayo bal wadanka sidaas u eeg dadka waayo araga iyo dhalinyaradii mustaqbalka ka lahaydba wey ka hayaaman dumar iyo caruur baa joogta kuwiina maalinta baloodh iyo buur buu ku haystaa hadaa waa ninkaas madaxweynaha sheganaya 
Oo watii hore lo tidhi nin sabool ahi saldanad ma xajiyo

Waxan la yabayaa dadka indhaha ka furaystay marxalada uu dalku marayo ee gacmaha ka labtay waar ka kaca oo diida cadalad darada iyo boobka iyo dhaca la idinku hayo
Muuse biixi kal xishoota  malaha kal baqda moyee hadii aad ka aamustaan malinba somaliand dhinac baa maqnan doonta meel madhan buu idinkaga tagi

Kuwa yidhaahda muuse reerkiisa aya wixiiba qaatay waxan leeyahay waar intad iska daysaan waxaas muuse cidna uma roona ee iska qabta iska daya rerahan aad idinku meesha so galinaysaane

Bal inyar oo ku saabsan aan idin siiyo muuse rerkan uu yahay ee sacad muuse siduu ugu galgalshay magacoodina dhulka ula galay 

Ka bilow suldanka guud ee beesha habar awal suldan xasan waad ogayden siduu karamadii iyo sharafti uga xuyuubiyey ee uu waraba taaga ugu sameystay hadana muuse waa suldanki codka u keenay ee muuse uu ku fadhiyo kursiga manta

Waad ogtihidiin odaygi ugu weynaa beesha sacad muuse waa ina xasan dalabe sidii ugu qaylisiyey ee maatidiisa uu hadhka cad xabada ugu hayey dhulkina ka qaaday

Waad ogayden sidii maatida iyo caruurta buurta kala jeexan uu ugu galgashay hadaa garoo rerahaasi waa qoyska saldanada suber awal uu donaya inuu dhulka ka qaado isago sheganaya inuu aabihi laha iska lahaane xitaa aabihii lug kumuu marin

Wad ogtihidiin muuse inuu malintay ku xumaato uun reerka dabada so galiyo si ay rernimo ugu difacaan 

Suldankii codka u keenay waa suldan xasana maad aragten isago hadlaya waa yaabay siduu muuse wax u wado sharaftii rerkana dhulka uu la galay wa kaftami kari la yahay

Markaa maanta somaliland waxey u bahan tahay inay iska tuurto heeeryada saaran oo ay diido kali talisnimada muuse wadanka la yimid hadii kale meel shishe aya laga raadini somaliland 

Osman jama
Hargeisa somaliland 

[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...