Culimada Magaalada Muqdisho Oo Ka Hadlay Muxaadarada Sheekh Umal

Friday November 22, 2019 - 09:14:40
Hadhwanaagtv
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay eedeemo

loo jeediyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo maanta lagu wado in uu muxaadaro ku qabto Magaalada Muqdisho.


Culimada Muqdisho oo ay ka mid yiihiin Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomoow uusan ahayn mid ay la qabaan culimada Soomaaliyeed.


"Hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomoow ma ahan mid u ku matalayo culimada ee waa kalima ra'yigiisa ah, haddii Sheekha uu wax tabanayo ama su'aal uu qabo waxay ahayd in uu culimada Soomaaliyeed la soo xiriira, Sheekha in uu ku degdego arrin noocaas ah ma ahayn", ayuu yiri Sheekh Bashiir oo ah guddoomiyaha hey'adda culimada Soomaaliyeed.


Wuxuu intaa ku daray in Sheekh Umal uusan u imanin dalxiis iyo qaraabo salaan, balse uu u yimid sidii loo gargaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha, wuxuuna ku baaqay in laga soo qeybgalo muxaadarada Sheekh Umal oo laga faaideysto.


Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in eedeemaha loo heysto Sheekh Umal aysan waxba ka jirin oo aanan loo heynin wax cadeyn ah.


"Hadalada Sheekh Soomoow uu ka sheegay Sheekh Umal waxay dhaawacayaan wixii Sheekh Umal uu ka mudnaa Soomow iyo ummadda Soomaaliyeed iyo gargaarkii uu Sheekh Umal u fidiyay dadka Soomaaliyeed, Sheekhaa waxaa uu keenay 330 kun oo doolar oo uu soo uruuriyay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, Sheekh Soomow na waxaa uu meel uga dhacay dhaqanka Soomaalida", ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.


Wuxuu intaa raaciyay in Dowladda Soomaaliya ay raali ka tahay muxaadarada, dadkuna ay ka soo qeybgalaan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culumaa'udiinka Soomaalida ayaa shaaciyay inuu maanta oo Jimca ah garoonka Injineer Yariisoow ee Magaalada Muqdisho ku qaban doono muxaadaro, haseyeeshee waxaa arrintaas si weyn uga soo horjeestay Afhayeenka golaha guud ee Culimada Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Soomoow.

BBC-da ayaa la xiriirtay labada sheekhba, si aan faahfaahin badan uga helno arrintan oo si weyn loogu hadal hayo baraha xiriirka bulshada.


Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Soomoow ayaa shacabka Soomaalida ka dalbaday inaysan ka qeyb galin muxaadarada Sheekh Umal, isagoo ku eedeeyay inuu mas'uul ka yahay waxa uu ugu yeeray 'musiibada ugu weyn ee ka jirta dalka'.


"Sababta aan ku diiddanahay muxaadaradaas waa in ugu horreyn qofka dhigaya uu yahay ninka la yiraahdo Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Fikirkaan ay khawaarijtu dadka Soomaaliyeed ku baabi'iyeen ayuu wax badan taageersanaa, ilaa haddana ma ogin meel uu uga tanaasulay, gaar ahaanna culimada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, ee Suufiyada loo yaqaanno wuxuu u yaqaannaa gaalo, marka waxaa layaab leh oo ayaan darro ah in isagoo gaalo noo yaqaanna, dad badan oo ahlu dariiq ahna ay khawaarijtu ku leysay iftadiisa iyo fikirkiisa uu maanta dhaho waxaan u khudbeynayaa agoonti", ayuu yiri Sheekh Soomoow.


Sheekh Soomow ayaa gaashaanka u daruuray warar la isla dhexmarayay oo sheegayay inuu ka careysan yahay sababtii loo soo marsiin waayay dhaqaalihii uu Sheekh Umal waday ee loogu talagalay dadkii ku waxyeelloobay fatahaadaha wabiga Shabeelle.


"Taasi waa dacaayad raqiis ah, aniga iyo isaga isma naqaanno, waligeenna iskama hor imaanin, dhaqaalahaasna anigu waxaan qeyb ka ahay guddiga guud", ayuu yiri.

Dhinaca kale, Sheekh Umal, oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa ka jawaaby arrintan, wuxuuna beeniyay dhammaan eedeymaha uu soo jeediyay Sheekh Soomoow.


Isagoo ka hadlayay arrintaas ayuu yiri: "Anigu ma ogi wax dood ah oo ka jirta muxaadarada, in la iclaamiyay oo aan ku talagashanahay unbaan ogahay. Wadaadku waxaan u maleynayaa inuusan warba heynin, ma hurdo ayuu kasoo kacay?, afkaarta uu ka hadlayo haddey tahay middan qolada xagjirka ah ay qabaan, dadka kaliya ee la dagaallamay annagaa ahayn, billowgii ilaa dhammaadkii, oo halis badan u galay, naftooda khatar loo galiyay, culimadeenni baa lagu laayay sida la ogsoon yahay, marka wuxuu ka hadlayo ma garanin, malaha wadaadku wuxuusan la soconin waxa jira, hadduu nin aqoon diimeed leh yahay, adduunka hadda jirana uu la socdo, waxaan u maleynayaa sidaas inuusan u hadleen".


Wuxuu sidoo kale Sheekh Umal iska fogeeyay eeeymaha la xiriira in hadalkiisa lagu laayay dad suufiyo ah iyo inuu 'gaaleeyay' Ahlu Sunna.


"Aniga ma ogi fatwo tey ah oo suufiyo lagu laayay, wuxuu u baahan yahay inuu keeno meesha aan aniga ku iri suufiyada hallalaayo, ama dariiqooyinka hallalaayo, ama aan ku iri waa gaalo, isaga ayaa looga baahan yahay inuu caddeeyo".


Sheekh Umal oo saldhiggiisu uu yahay dalka Kenya ayaa maalmahan ku sugnaa caasimadda Soomaaliya, isagoo ujeeddadiisu ahayd inuu gaarsiiyo kaalmada, wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda xukuumadda Federaalka, oo uu ugu horreeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


BBC

     
Loading...