Haasawaha guurka : guurka soomaalida waxaaa uu ku ahaa wax miisaan culusle oo oo aan dhayal lagu gaadhi Karin , xaqiiqatan ninka guurdoonka waxaaa uu ahaa mid inbadan baadha ama raadiya lamaantiisii uu nolosha lawadaagi lahaa isagoo dabaqaaya maaahmaahdii soomaaliayeed ee can baxday ‘’ wiilkaagu maalin buu hiil kaaga baahanyahay ‘’ oo macnaha aya wadataa yahay inaad ilamahaaga usoo doortaa hooyo wanaagsan oo hagta mustaqbalkiisa aduunya iyo aakhiro inataba , dhanka kala waa mid arinkani si toosa u faaqsan diinteenii suubanayd taasoo uu nabigu dhiiri galiyay in dumarka lagu xusho sifooyin dhawra sida diinteeda , maalkeed, iyo quruxdeeda uuna sii dhiiri galiayay ta diinta leh . marka wiilku uu gaadho daddii guurka , waxaa uu bilaabi jiray xarago kabadan tii hore , sigaara waxaa loogu yaqiin ciyaar gudka iyo fiir fiirinta meelaha dhalin yaradu isugu timaad oo karaadin jiray calafkiisii
Dagaalka: markii
colaaduhu iyo guluftu ay dhacaan waxaa kareebanayd colka weerarka qaaday arimao dhawra oo ugu muhiimsanayd birimagaydada ay kamidka yihiin ,
dumarka , caruurta , waayelka badlekeedana waxaa
bartilmaameed u ahaa raga gulufka kujira, ceeb iyo
gunimo ayay u hayd
colkii intaa kusifooba
Xididnimada ama xigaaalaka : sidaynu hore usoo tilmaananay guurku soomaalida waxaa uu ku ahaa wax aad u weyn oo ay aad u qadariyaan waayo ninkii reer lihi waxay uarki jireen soomalidu inuu yahay nin nasiib le maadaama uu yahay laba tole uciirsan kara dhan walba oo laan dheera lagu tilmaami karo isla markaan hiil iyo hooba
lalabarbartaaganayahy – waa ta keentay in abwaamkii weynaa , sheekhii , iyo caalimkii sayid mahamed abdile Hassan uu hibeeyeya faraskiisi qaaliga ahaa ee kumagac dheeraa xiin finiin islamarkaan jacaylka uu uqabay aynu ka arki karno gabaygiisii ahaa[ waa xiin
finiin neefkaad xadhiga haysaa] . sayidku waa bixyay
ama waa hibeeyay wixii agtiisii ugu qaaalisanaa oo haa faraskiisii isagoo ilaalinaaya Milgihii soomalida
Jacaylka : Jacaylku waa dareen soo jiidasho iyo kahelitaan aad kaheshid qof ama shay, oo waxaad leedahay marka
aad tilmaamaysid waxaa waan
kahelay ama uu isoo jiitay badanaa waxaa loo eegaa jacaylka inuu yahay qaybsi ama iswaydaarsi
dareen oo udhexeeeya laba qof. Soomalidu jacaylka waxaa uu ugu jiray door muhiima waa kan raage ugaas oo tibaaxaya ;; hadii gabayga uurkoo buktiy arimi kaakeeniin ase aan olol jacayl iyo xanuun kugu ijbaaraynin afkuunbaad kaleedee , waa tibaaxa uu kutilmaamayo in jacaylku yahay waxayaabaha keena inuu qofku noqdo gabyaa
Xus diimeedka : inkastoo soomalida lagu tilmaami jiray dad xoolo dhaqata oo anay duruuftu usaamixin inay helaan nolol lamida dad yawga dunida kale kunool ee hela baahiya asaasiga sida waxabarahsada dhanka kalena qodaobkani waa ka sababy inay soomaalidu ubataan kuwo aan waxbana akhriyin waxbana qorin hadana iyadoo saaa tahya waxay ahayeen kuwo ay aad ugu weyntahay maxabada diinta iyo rasuulkii suubanaa . rag iyo dumarba waxay ahaayeen kuwa kusuntan oogitaan xus diimeedayad iyagoo ulajeeda inay ugu dhawaadaan allah subaaxan watacaala
Nabada :
noolo kastoo dunidan kunooli wuxuu jecelyahay dganaanshaha iyo xasiloonida waa ta keentay in meelaha colaaduhu ragaadiyeen ay ka hayaaman xayawaanku iyagoo baadi goo bay goo b daganaanshiyo leh isla markaan ay ku aaman galaan oo nastaan . soomalidu waxay kumaahmaahi jirtay nabad baa hadhmacaan leh oo ay ula jeedaan nabadu inay dan utahay dhamaan makhaluuqa kawkan alle ku abuurtay – waxaa door weyn kulhaa nabadyanta oday dhaqameedyada , culimada aadka loo qadariyo oo ahaa xidhaha nabada
Martigalinta: martigalinta iyo sooryayanta martidu waa waxay caanka kaga haayeen dhaman dadyawga kale ee ay ood wadaagta yihiin . waata keeentay is jacaylka ay caanka kuyihiin soomaalidu , waa tu kutoosan diinta suuban ee uu alle inoo soo dajiayay
Si kastooy ahaato dhaqan ka soomaalidu wuxuu ahaa mid aad uqaaliya , waa mid dhamaan buuxiya shuruucduu alle ugu talo galay dadkiisa kuwaasoo u hogaan samay . hadaba tobanaanki sano ee udanbeeyay waxaa uu dhaqankaa suubanii midkasii halaabay jiilkan hada jooga kuwaasoo lasoo kawsaday burburkii dawladiii dhexe oo sababay fasahaad bulsho oo ah xaga dhaqanka iyo bulshada intaba , maanta dhaqankii ay lahaayeen ee aadka ugu adkaayeen maanta waxaa uu kunoqday ka eegteena mid gabi ahaanba katirtirmay gaydiga iyadooy ugu wacantahay, technologiyada casriga, siifidi taanka maagaalooyinka, isbadal nololeedkii miyiga oo isu badalya mid magaalo iyo kuwaalo badan oo kale si hadaba aynu u yarayno waa muhiim In laqaado talaabooyinkan hoos kuqoran:
· Kala xadaynta miyiga iyo magaalada
· Samaynta xarumo lagu barto dhaqanka
· Tartan wata abaal marino oo lagu dhiiri galinayo halbuurka
· Baahinta barnaamijyo lagu dhirigalinayo dhaqanka
Abdirasak Hassan ali 0634675486
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!