Nabsi Jacayl.

Thursday November 21, 2019 - 17:02:07
Hadhwanaagtv
Waxay ii ahayd iyadu noloshayda dhammaanteed.

Waxay ii horseeday wannaag dhammaantii. Markasta waxay ilaalin jirtay wadnahayga in aanuu dhaawac soo gaadhin. Noloshada gabi ahaanteedba way bedeshay. Ka hor iyada barashadeeda waan noolaa, nafina way igu jirtay balse maan ahaan jirin qof jooga haddana jiifa.


Iimay ogolaan jirin inaan iyada dhiggeeda nolol la qaybsado waayo? Waxay ku kalsoonayd jacaylkayga balse maxay iigu taallaa? Waxan ka daynwaayey hagardaamo iyo handidaad, waxan ka dayn waayey "Cidkalaad la socotaa.” Waan rumaystay inay cid kale oon aniga ahayn xidhiidh la leedahay, balse waxay ahayd Male-Awaal wax uu ku dhisanyahay aanuu jirin. Anigaa Durmaan aan arki waayey meel laga garaacayo, raacay.


Xidhiidhkayagu wuxuu socday, 4 sano.  Bulsho badan baa xidhiidhkayaga ogayd. Balse afartaa sanoba waxay iyada u ahayd inay haysato ninkii noqon lahaa, ubadkeeda aabbohood, kii ay dugsan lahayd dhaxanta iyo duufaanada xoogga badan. Kii daryeeli lahaa iyada iyo intay u dhashayba, kii u noqon lahaa, walaal iyo wehel, aabbo iyo ardaa la fadhiisto, adeer iyo aayo nololeed. Balse maxay ku taalaa aniga waxay ii ahayd dhuumaalaysi iyo dheeldheelin carruureed.


Intaan ballamiyo ayaan haddana u jari jiray, oon u sheegi jiray marka danbana been iyo balaayo aan la mahadin. Geeri aan dhicin baan u sheegi jiray, "Wiil aanu saaxiib nahay Ayeydii baa mardhawayd dhimatay.” Iyo wax aan dhaamin ayaan u sheegi jiray, halkaan dhinaca kale kaan ayeydiibaa dhimatay leeyahay aanu wada ciyaarayno oon la joogo!  Markalena waxaan u sheegaa in Alleenkii gacantu (Mobile) uu biyo igaga dhacay deedna aan la ismaqlayn. Markalena waxaan u sheegi jiray inay Tuugi iga qaateenba oonan wax Alleen ah haysan. dhallinyarooy ba’. Haddaan beentaa muddo ku waday waxay go’aansatay inay ii soo iibiso Alleen si aanay codkayga marnaba u waayin si xidhiidhkayaga wax kastoo dhib u keenaya u joojiso. Jacaylooy ba’.


Waxan ilaabay inay tahay walaashay oo kale isla markaana ay la walaalo tahay nin sidayda oo kale ah. Waxan ilaabay in anigaba walaashay sidaa laga yeeli karo balse aanan u dulqaadan karayn inay marnaba sidaasi ku dhacdo. Hase yeeshee waanigaa maantaba walaashay qayrkeed aan beentaa u dhoobdhoobayo.


Inay qof aanad jeclayn uma soo jeedsatid, ilayn qof aanad doonayn ma danaysid. Balse aniga intaasoo keliya ma ahayne waxa ii dheeraa inaan ahaa Damiir laawe, aan wixii dantiisa ah aqoon, waxaan ahaa Doqon garanwaayey Dahab uu haystay inuu daryeelo. Waxan noqday nin ay qaadday dhallinyaranimo oo shalmad raaca tii dhaqaaqdaba daba gala.  Sidaan u lahaa "Tani tay ma aha.” Ayaan is arkay anigoo dhulka ka tegay cirkana gaadhin. Waxan is arkay in aanan haysan Geed aan ku tiirsado, waxan is arkay anigoo Dheemantaydaan haystay ee dhib oo dhan iga ilaalin jirtay aan ka daldoorsaday. Waxan garan waayey goor aan ku idhi, " Xidhiidhkeenna ma doonayo inuu sii xidhnaado.” Talo waa "Mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydee” Waxan xasuustay markay iyadoo ka murugoonaysa arrintaa iigu halcelisay, " Nafsi Jacayl yaanu ku helin hadhoowna ha isqoomamayn.”


Waxa ka soo wareegtay kala maqnaanshihii  aniga iyo Dheemantaydii muddo 2 sano ah. Midna mid lamuu xidhiidhin oo iyadu siday iila soo xidhiidhi miyey damiir laadahay sownigii anigu u jaray xidhiidhka! Balse Doqoniimadayda ayey ahayd. Maantaba meel aan iska soo qabto ma garanayo. Xidhiidh inay leedahay ma ogiye, lama guursan iyada. Maxay guursan, guurba way ka marooro dillaacaysaaye.


Dheeman waxay ahayd Marwo la isku daawado, marwo jecel wanaag oo dhan iyo inay dhaqato reer, marwo dhaldhalaanka adduunku u muuqan. Marwo aan danayn lacagta iyo hebel lacag ku raac. Balse waxay ahayd marwo tixgalisa nolol ku dhisan jacaylka, kalsoonida. Waxay ahayd marwo saldhigeeddu yahay Runta oo ka shaqaynin isku dirka dadka daryeel la’aanta dadka baahan. Maxayse iigu taalaa maantaan gartay arrinkaas oo garawsaday. Nafsi jacayl ayaa igu dhacay oon dhibtiisii dheefayaa. Dhallinyarooy ba’ inay talo iskuma kaa sheegto.

Dhammaad

W.Q: Faadumo Buuni

Hargeysa, Somaliland

Fiiro gaara: Sheekadani waa sheeko la iiga sheekeeyey isla markaana ku cabbiray qalinkayga

[email protected]

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...