Madaxtooyada Villa Soomaaliya Soo Bandhigay Ajandaha Kulanka Farmaajo Iyo Madasha Xisbiyada Qaran Ee Sheekh Shariif Hogaaminayo

Wednesday November 20, 2019 - 19:10:54
Madaxtooyada Villa Soomaaliya Soo Bandhigay Ajandaha Kulanka Farmaajo Iyo Madasha Xisbiyada Qaran Ee Sheekh Shariif Hogaaminayo

 


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa goor dhaw xafiiskiisa ku qaabilaya siyaasiyiinta madasha xisbiyada qaranka oo ay hogaaminayaan madaxweyneyaashii hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.


Kulanka madaxweyne Farmaajo la yeelanayo hogaanka madasha xisbiyada qaranka ayaa ku soo beegmaya wakhti uu khilaaf culus u dhaxeeyo dawlada iyo madaxweyneyaashan hore dalka u soo hogaamiyey.

Related image

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada somaliya Maxamed Cabdi Nuur ayaa soo bandhigay ajandaha ay ka wada hadlayaan madaxweyne Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha madasha xisbiyada qaran, waxaanu yidhi "Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah.” ayuu uiri Agaasime Cabdinor.

     
Loading...