Wasiirka Maxamed Kaahin Oo Ka Dhuuntay Warbaahinta Ka Dib Kulan Uu La Qaatay Guddida Guurtida Ah Ee Loo Saaray Mudo Kordhinta
Hargaysa(HWN):-Wasiirka Wasaradda arimaha gudaha
Soomaliland Maxamed Kaahin Cabdi ayaa si cad warbaahinta u diiday,inu ula hadlo
ka dib markii uu kulan la qaatay xubno ka mida golaha guurtida oo loo saaray
muddo kordhin markii lixaad loo samaynayo golaha wakiilada Soomaliland,.
Hadaba waxa iswaydiin mudan wasiir Maxamed Kaahin
ma waxa uu kulanka ku matalayay xukumada mise xisbiga uu xilka ka hayo ee
kulmiye,si taasi warbaahinta wax uga ogaato ayaa markii u kulanku soo idlaaday
warbaahinti isku dayday inay wax ka waydiiyaan wasiirka kulanka iyo shaqsiyada
uu ku matalayay waxaana uu si cad udiiday inuu ka jawaabo.
Wasiir Maxamed Kaahin oo ah wasiirka arimaha
gudaha Soomalilan ayaa ila hada ka hadal xaalada dalku ku jiro iyo
banaanbaxyada kale duwan ee xisbiga wadani ka dhigayo goboladda dalka,taas oo
amaanka dalka uu uga masuul yahay xukumada uu madaxwayne Muuse Hogaaminayo.
HadhwanaagNews.com
Hargaysa/Office