Madaxweyne Axmed Madoobe Oo La Xisaabtamaya Wasiirada Jubbaland Ee Uu Xilalka U Dhiibay

Tuesday November 19, 2019 - 02:00:34
Madaxweyne Axmed Madoobe Oo La Xisaabtamaya Wasiirada Jubbaland Ee Uu Xilalka U Dhiibay


Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta wasaaradda cadaaladda, garsooka iyo arrimaha diinta ka dhageystey warbixinta waxqabadka wasaarada ee sanadkan 2019.

Image may contain: 1 person, sitting and beard

Warbixintan sanadlaha oo dhamaan wasaarada Dowlad goboleedka Jubbaland kusoo bandhigayaan waxqabadkooda ayaa maanta lagu bilaabey wasaarada cadaaladda, garsoorka iyo arrimaha diinta taas oo ay kusoo bandhigeen wixii u qabsoomey sanadkan iyo caqabadaha jira ee loo baahanyahay in la xalliyo si loo hubiyo in adeega dowladu bulshada sidii loogu talagaley u gaarayo iyo inkale.


Wasaaradda ayaa ka warbixisay sida ay u daadajisay adeegyada loo wakishay ilaa degmo iyo deegaan.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Waxaa ay sheegtay in ay ku guuleysatay dhismaha maxkamdo iyo adeeg garsoor oo buuxa.


Hiigsiga dhaw ayeey shegeen in ay wax badan ka qaban doonaan hannaanka baahinta iyo ka warqabka adeega garsoorka

     
Loading...