Madaxweynaha Puntland Oo u Magacaabay Maareeye Cusub Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Sunday January 19, 2020 - 15:38:23
hadhawanaagtv
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.13 January 16, 2020, ku magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland.



 

Markuu arkay:Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

 

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

 

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland

 

Wuxuu xeeriyey:

 

1. Waxaa Axmed Siciid Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

 

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

     
Loading...