Cid Cashuur La Saaraa, Caradaba Ma Joogaan, Ciidankiyo Caruurtaa, Cishodhaw Idiin Hadhi


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 12, 2019 14:58:39
Cidhiidhyeen Dhadhamadi Cirka Gaadhay Sixirbarar, Cilaaj Loo Hayaa Jirin.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B)
SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

CID CASHUUR LA SAARAA,

CARADABA MA JOOGAAN,

CIIDANKIYO CARUURTAA,

CISHO DHAW IDIIN HADHI,

SAWTAN KALA CARAWDEE,

WAX LA CUNO LA GOYNAYN,

CIINKA SOOTAN DAAQDEEY,

CALAFKIBA YARAADEE,

CIDHIIDHYEEN DHADHAMADI



16.0pt; font-family: "Agency FB",sans-serif;">CIRKA GAADHAY SIXIRBARAR,

CILAAJ LOO HAYAA JIRIN,

CUDUDI U WEYNAYD KULMIYABA,

CARAABEN XAMAR AY U CARAREN,

CAASHAQ MUU U HAYNINE,

CADAALAD BAY U DOONTEEN,

TAN MARKAY KA CAAGEEN,

CABASHIYO TILMAANIYO,

CASHAR LAYSU TIBIYIYO,

CAYNKAN AAN KA DAYNO,

CANAANI WEY DHAMAATO,

CUNUFIYO CAR JUUQDHIYO,

ISU CAGA JUGLAYNIYO,

CAADO AAN HOROW JIRIN,

AYAAN CAAN KU NOQONEE,

HADDII CAGO AAD LEEDAHAY,

CARAR MAXAY KU DHAANTA.

 

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.