Reer Cabdi Carwo Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Cali Maxamed Xuseen (Cali Baadiye) oo Hargeysa Lagu Aasay.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 12, 2019 14:28:30
Axmed Xasan Carwo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe JSL

Annigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii,ehelkii, xigto iyo xigaal iyo asxaabta Marxuum Cali Maxamed Xuseen ( Cali Baadiye) oo maanta lagu aasay magaaladda Hargeysa.

Cali waxuu ahaa nin hawl kar ganacsade ah, af gaaban, cibaado badan oo ahaa nin wanaagga qofka arka ee aan arag xumaanta.

 Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, qabriga u nuuro una waasiciyo, oo uu uga dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare, ehel iyo asxaabna uu waafajiyo samir iyo duco.

 

Axmed Xasan Carwo

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe JSL









©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.