Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Oo War Ka Soo Saartay Xayiraada Wargeyska Foore


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 12, 2019 11:08:37
Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Oo War Ka Soo Saartay Xayiraada Wargeyska Foore

Hargeysa(HWN):-xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland ayaa war ka soo saartay xayiraada lagu soo rogay wargeyska Foore.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal iinsaanka ayaa lagu cambaareeyey xukun ay maxkamada gobolka Hargeysa ku riday wargeyska Foore, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa  xukunka xayiraada ah ee la saaray wargayska Foore.

Maxkamada Gobol ka Hargaysi, waxay xukun xayiraada  ku riday wargays ka madaxa banaan ee Foore. Maxkamadu waxay xayirtay wargayska halsano, sidoo kale waxay seddex milyan oo Shilinka Somaliland ah oo ganaax lacageeda  saartay tafatirihii wargayska FOORE Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase).

Xayiraada wargeyska waxa lala xidhiidhiyay warar uu wargeyku ka qoray arimo ku saabsan




dhismaha madaxtooyada cusub ee dowladu ka dhisayso galbeedka magaalada Hargeisa.  Dowladu waxay sheegtay in wargaysku ka faafiyay warar been ah abuur ah.

Qodobka 32(3) ee dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaadayaa madaxbanaanida saxafada  waxaanu mabnuucayaa in la qaado talaabo kasta oo lagu cabudhinayo.

Dhinaca kale, waxa wali xidhan oo xabsi ku jira Abwaan Cabdiraxmaan Abees.  Abwaanku wuxuu xidhan yahay mudo bil ku dhow.  Xadhiga abwaanku waxuu xad gudub ku yahay dastuurka Somaliland. Cabudhintu ra’yigu  waa hab dowladu ku aamusiiso cidii  iyada ka ra’ayi  duwan. Taasina waa gef sharci iyo dastuur jabin.

Qodobka 32 (1) ee dastuurku wuxuu qof walba udamaanad qaaday  inuu si xor ah  aragtidiisa u dhiiban karo.

Xaruntu si aad ah ayay uga walaacsan tahay xayiraada wargeyska foore iyo xadhiga  Abwaan Abees. Xaruntu waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay xayiraada ka qaado wargeyska Foore siina dayso Abwaan Cabdiraxmaan Abees.

Yasmin Omar Mohamoud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.