Tirada Maxaabiis Itoobiyaan Ah Oo Laga Sii Daynayo Xabsiyada Tanzania Oo La Shaaciyey.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 12, 2019 11:01:24
Tirada Maxaabiis Itoobiyaan Ah Oo Laga Sii Daynayo Xabsiyada Tanzania Oo La Shaaciyey.

awlada Tanzania ayaa go’aansatay inay xabsiyada ka soo dayso maxaabiis gaadhaysa 1900 oo u dhashay wadanka Itoobiya.

Safaarada wadanka Itoobiya ee magaalada Dar Es Salaam ee xarunta wadanka Tanzania ayaa war ay ku baahisay bogeeda Facebook waxay ku sheegtay in xabsiyada laga sii daynayo maxaabiistaas Itoobiyaanka ah oo in mudo ah xidhnaa.

Warka ka soo baxay safaarada dalka Itoobiya ee magaalada Dar Es Salaam ayaa lagu yidhi “Go’aanka dawlada Tanzania ayaa yimid ka dib markii safaarada Itoobiya ay kulamo lagu falanqaynayo tirada maxaabiista Itoobiyanka ah ee ku jira xabsiyada iyo sidii loo sii dayn lahaa la yeelatay masuuliyiin sarsare oo




ka tirsan dawlada Tanzania kuwaas oo uu ku jiro wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi Augustine Mahiga”

Warka ka soo baxay safaarada Itoobiya ee dalka Tanzania ayaan lagu cadayn dembiyada sababay in xabsiyada la dhigo muwaadiniintan Itoobiyaanka ah.

Si kastaba ha ahaatee maxaabiistan Itoobiyaanka ah ee laga sii daynayo xabsiyada dalka Tanzania ayaa ka mid ah tahriibayaal sanad kasta lagu xidho dalkaasi kuwaas oo la qabto iyaga oo doonaya inay ka gudbaan xadka u dhaxeeya Tanzania Iyo Koonfur Afrika.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.