Wasiir Khaliil Oo Ka Hadlay Qorshe Ku Saabsan Xajka Oo Somaliland Jawaabtiisa Ka Sugayso Sucuudiga.


(Hadhwanaagnews) Monday, February 11, 2019 17:31:31
Wasiir Khaliil Oo Ka Hadlay Qorshe Ku Saabsan Xajka Oo Somaliland Jawaabtiisa Ka Sugayso Sucuudiga.

Hargeysa(HWN):-Wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa shaaciyey inay dawlada Sucuudiga ka sugayaan qorshe gaar ah oo ay xajka ku soo  gutaan dadka reer somaliland.

Wasiir Khaliil oo maanta ay xogwaran la yeesheen guddida joogtada ah ee golaha guurtida somaliland ayaa sheegay in wasaaradu ay hirgelinayso qorshe ay dhigtay oo ku saabsan xajka.

Wasiirka diinta iyo Awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlaya qorshayaasha u yaala ayaa waxa uu yidhi “120-ka cisho ee soo socda wasaarada diinta iyo awqaaftu waxa xilkeedu yahay oo ay ka shaqaynaysaa  sidii loo heli lahaa duruuf gaar ah oo aynu ku xajno inagu,




madaxweynahana waanu ka wada hadalnay oo qorshe ayaa nooga yaala, haddii uu qorshahaasi noo hirgeli waayana qaar cusub oo aad nala qaadataan ayaanu idiinla iman doonaa.”

Sidoo kale wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in wadamada Khaliijku ay la yihiin dariiqo ay soo mariyaan mucaawinooyinkii ay gaadhsiin jireen wadamada islaamka, isaga oo xusay in xidhiidhka xumaaday ee dhexdoodu uu keenay caqabado badan.

 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.