Dhaxalkii Kulmiye Waa Toban Jirsaday. Guushii Xisbiga Kulmiye Ee 2010 Kii Maxaa Laga Dhaxlay?.


(Hadhwanaagnews) Monday, February 11, 2019 08:12:25
Ma Kulayl Iyo Kabo La'aan Mise Karaamo Iyo Korniin Shacab?

 
Q.1aad:
 
Waa Qiimayn guud oo aan isku dultaagayo casharada lama ilaawaanka ahaa , ee aynu ka baranay  mudadii uu xilka hayey Xisbiga kulmiye iyo Xukuumadihiisii kala  danbeeyey , dhanka kale waxaan rabaa inaan kaga jawaabo Suaal muhiimadeeda leh (waa siday aniga ila tahay ) oo odhanaysa ,Xisbiga kulmiye mudadaas uu hayey




talada dalka  ilaa imika , maka Jawaabay  baahiyaha kala duwan ee bulshada ? , Dhaymo mow sameeyey  dhaawacyadii kala duwanaa ee bulshadu la dhutinaysay , Mise wuu damqay , qallay , dhaawacay , kala jabiyey quluubta umada reer Somaliland ?.
 
Waxaad kaga boggan doontaa qormadan .
 
Hordhac yar oo kooban :
 
Somaliland waa wadan aan wali la aqoonsan , kana go’ay dalkii la odhan jiray jamhuuriyadii Somalia , oo ay ku biirtay 1960 kii ,iyadoo markaas ahayd dowlad taam ah oo aduunku aqoonsanyahay oo leh shacab iyo xuduudba. Halgan dheer ka dib oo naf iyo maalba ku baxeen , waxa Somaliland u suuro gashay inay la soo noqoto dowladnimadeedii ay u hibaysay  inay abuurto wax la yidhaa somalinimo , laakiin lala garanwaayey ,kana dhaxashay waxii ay ka dhaxashay .
 
Somaliland oo xoriyadeeda heshay 1991 dii , ujeedada looga soo go’ay Somalia waxa kow ka ahayd in la helo cadaalad ,sinaan ,wax wada la haansho iyo dowladnimo ku dhisan sharciga oo dadku u simanyihiin . 27 sano oo Somaliland jirtay wali hadafkaasi waa qabyo , lagamana midho dhalin .
 
Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan oo mid waliba xaladeeda iyo duruufaheeda siyaasadeed ,dhaqan dhaqaale  lahayd  ,tusaale waxay soo martay waqti lagu jiray iscafin guud iyo in la abuuro jawi guud oo nabadgelyo oo lagu wada noolaado ,quluubta shacabka laysu keeno oo dowladnimo lagu dhiso ku salaysan duruuftaas, waxay soo martay waqti kale oo dagaalo sokeeye dhaceen  oo lagu jiray dib u heshiisiin iyo dib-u curasho shacab iyo inay dowladnimadu salka dhigto, waqtiyadaas waxaa ku suntanaa labadii madaxweyne ee kala danbeeyey  AUN  Mudane Abdirahman Ahmed Ali  ahaa aabihii xoriyada ama ilaahay u fududeeyey inuu dalka qabto, kuna dhawaaqo dowladnimo , iyo AUN Mudane Mohamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa hogaamiyihii ugu khibrada badnaa ee dowladnimada Somaliland iyo hanaankeeda dimiquraadiga ahaaba  salka u dhigay  ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo labadoodaba.
 
Waqti laga joogo 18 sano , waa 2001 diiye , ayaa hanaanka xisbiyada badan ka hanaqaaday Somaliland , uguna horaysay taariikhda cusub ee Somaliland tartan siyaasadeed ku dhisan sawir guud oo xisbinimo ( waxii kaleba how hooseeyaane),waqtigaas oo uu ay hormuudka xisbiyada ahaayeen xisbigii Udub ee talada hayey iyo Xisbiga Ucid.
 
Goorma ayuu kulmiye inoogu horaysay?.
---------------------------------------------------------------

Xisbiga kulmiye waxa uu ka mid ahaa xisbiyadii galay tartankii ugu horeeyey ee dowladaha hoose , kuna soo baxay , waxaanu ahaa ururkii ugu danbeeyey ee la aasaaso geeridii cigaal ka dib alle how naxariistee , waxaana la aasaasay 2002, kana qayb galay doorashadii ugu horaysay ee dhacday december 2002 , galayna kaalinta labaad ururadii tartamaayey , kuna guulaystay inuu noqodo xisbi qaran . waqtigaas ayaa digadiisa qiiqeeda inoogu horaysay.Intaas halkaas aan kaga hadho .
 
Waqtigaas talada dalka uu ku guulaystay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin , dowladnimadii la dhisay eek u timid hanaanka dimiquraadiga ah , waqtigaa shacabka somaliland waxa uu maraayey meel wacan markaad ka eegto dhanka walaaltinimada , wax wada lahaanshaha , quluubtooduna way isu soo dhawaanaysay ,dadkana maankoodu muu kala taganayn .
 
Waqtigaas dowladii udub wax badan ayay qabatay , sida dhanka aminiga , isu soo dhaweynta bulshada , fidinta maamulka , dhismaha ciidanka qaranka , hirgalinta dimuquraadiyada iyo doorashooyinka ,inay u samaysay somaliland saaxiibo badan oo caalamiya  mudadaas ay xilka hayeen .
 
dhanka kale intaasba iyadoo jirto ayaa hadana shacabku waxay muujinayeen saluug badan oo ay saluugsanaayeen dowlada , kuna dhaliilayeen inay qaban karo waxaas wax ka sii badan . shacabku waxay ka cabanayeen maamul xumo , musuqmaasuq , danta guud oo markaas bilow ahayd iibinteeda , dhanka xoriyatul qowlka oo xadidnaa ,iyo arimo la la xidhiidha in rag badan oo siyaasiyiin ah iyo  salaadin in la xidhxidho , cabudhin shacab . iyadoo bulshadu aaminsanayd inay waxqabadka la koriyo oo waqtigaas u fikiraysay horumar midnimo ,isu soo dhawaansho , is aamin  , isku codna ay ka ahayd  cabashada guud ee ay qabto .
 
Halkaas ayuu kulmiye gaadhigiisii ugu horeeyey ka rakaabsaday ,isagoo dhibaatooyinkaa bulshadu ka cabanaysay farta ku fiiqaayey , kana dhigtay daliil , isagoo ujeedooyinkiisa kalena ee dhanka qabyaaladana u raacinaayey , isagoo fogaynaayey madaxweyniihi qaranka ee waqtigaa , kuna maxaafsanaayey dhaliilahaas jiray iyo qabqabiileed ku dhisan in beesha dhexe oo dhan laga horkeeno madaxweyne riyaale   ,si uu cod ugu helo doorashadii markaas xigtay hab reeraysan , isagoo isticmaalaayey  SNM iyo Faqash dhacdooyinkii dhexmaray , hadafkuna ahaa uun in Mudane madaxweyne Daahir riyaale khadka laga saaro , oo looga saaro hab beelaysan ,sidii dhaxdayba 2010.
 
Siyaasada Qashinka ah ee Kala qoqobka , kala dilka , naxli abuurida , munaafaqada iyo kala sooca  maanta ka dhex muuqda bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland , waxa uu kulmiye bilaabay ololihii doorashadii reeraysnayd ee laga badiyey madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.
 
2010 kii  markii doorashadii dhacday ee xilka uu tiriyey Mudane Daahir Rayaale  kuna wareejiyey madaxweyne Mudane Ahmed Siilaanyo iyo kooxdiisii , ninkastoo xasuustow dalku meel buu maraayey dadkuna aragtidiisu waa saraysay . Dadku laba nooc ayay ahaayen  codeynaayey , dad ay dabayshii kulmiye iyo siyaasadii qashinkinka ahayd sixirtay oo howshooda wata , iyo qab kale oo bulshada ka mida oo isbadal doonaayey  waliba ahayd inta badan bulshadii codaysay. Halkaas markaan intaa dhigo , aan furfuro suaashan hoose;
 
Maxaa laga filaayey kulmiye (National Expectations):? Maxaa laga cabanaayey ? halkuuse kulmiye ka bilaabay ?
 
La soco qaybta 2aad oo aan ku furfuri doono , waxii laga rajaynaayey , waxii markaas bulshadu u baahnayd ,halkay ka bilaabeen , iyo afrariirkii bulshada ku dhacay ,yaabka yaabkii!!.
 
Sir-Abdirashid HUssein
Doha Qatar.

Email:[email protected]

 

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.