Manchester City Oo Nus Darsin Goolal Ah Ku Miistay Chelsea Iyo Shaqada Tababare Sarri Oo Halis Ku Jirta+Sawiro


(Hadhwanaagnews) Sunday, February 10, 2019 19:48:49
Manchester City Oo Nus Darsin Goolal Ah Ku Miistay Chelsea Iyo Shaqada Tababare Sarri Oo Halis Ku Jirta+Sawiro

Kooxda Manchester City ayaa guul daro xanuun badan dhabarka u saartay dhigeeda Chelsea oo ay ku kulmeen ciyaar ka tirsan horyaalka dalka Ingiriiska.

Kooxda Man City ayaa nus darsin goolal ah ku garaacday kooxda Chelsea oo u muuqatay mid aan waxba iska celin Karin isla markaana awoodeedu hoosayso.

Bandhiga goolasha ee kooxda Man City ayaa waxa daqiiqadii 4aad furay weeraryahanka Raheem Sterling.

Sidoo kale weeraryahanka reer Argentine ee Sergio Aguero ayaa laba gool oo daran doori ah u dadajiyey kooxda Chelsea daqiiqadihii 13aad iyo 19aa.

 
   

Ciyaaryahanka khadka




dhexe ee Ilkay Gundogan ayaa daqiiqadii 25aad goolka shanaad u dhaliyey kooxda Man City, iyada oo mar kale sergia aguero raaciya goolka shanaad daqiiqadii 56aad.

Bandhiga goolasha ee kooxda Man City ayaa waxa soo xidhay ciyaaryahankii furay ee sterling kas oo daqiiqadii 80aad dhaliyey goolka 6aad.

Guul darada loo xambaariyey kooxda Chelsea ayaa noqonaysa midi ugu cuslayd ee ay wajahdo sanadihii ugu dambeeyey, waxaana suura gal ah in shaqada laga caydhiyo tababaraha kooxdaasi.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.