Faallo , Jamaal Cali Xuseen....W/Q Axmednuur Guruje


(Hadhwanaagnews) Sunday, February 10, 2019 14:57:37
Faallo , Jamaal Cali Xuseen....W/Q Axmednuur Guruje

Sheekaba sheeko ayay keentaaye,beribaa waxa la yidhi nin reer miyi ah ayaa soo degey guri laga guurey , dabeeto nin geedi soo maray oo daalan buu ahaaye , waxoogay ooda intuu soo gurey ayuu xaradii adhiga saarsaaray , ka dibna iska fadhiistay.

Ninkii oo geed guriga agtiisa ah fadhiya , oo malaha in shaah loo keeno sugaya ayaa nin geedkii ugu yimi ,dabeeto is waraysi ka dib wuxuu yidhi , waar nin yahow meeshu waraabe ayay leedahaye




, reer aad u ood , oo weliba mus-danbeedka guriga xoog isaga adkee , dabeeto ninki wuu iska dhayalsaday hadalkii waanu iska seexday .

Habeenimadii baa reerkii waraabe usoo dhacay , ka dibna wiil yar buu reerkii ka qaatay , inanka yar qayladiisii haduu maqlay ninki waraabihii ayuu ka daba cararay waanu gaadhi waayay , ilayn waa nin daalan oo shalay oo dhan geedi iyo socod kusoo jiraye .

Subaxnimadii ayaa ninkii oo murugaysan uu ninki u yimi , dabeeto ninkii loo yimi wuxuu u sheegay in xalay Waraabe usoo dhacay , ka dibna wiil yar ka qaatay , dabeeto uu gaadhi waayay .

Ninki markuu warkii qaatay buu ugu hal celiyey , Nin yahow shalay baad ood xumayd , xalay baad orod xumayd , maanta ayaad ayaan daran tahay .

Imika waa halkaase , Jamaaal oo Xisbigii geelu isugu jirey ka dayrinaya , waxaynu leenahay , Doraad baad tallo xumayd , shalay baad sahan xumayd , maantaad rajo xuntahay .




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.