Xisbiga Wadani Kolba Mid Wareersan ,Tv -Yada Ha U Soo Diraan.


(Hadhwanaagnews) Sunday, February 10, 2019 09:39:30
Mar walba sedexdan xubnood way ka wada hadlaan warbaahinta si is dhexyaac ah ama aan is ogaynba.

Ugu horeyn waxaan salaamaya dhamaanba bahda saxaafada kuwa ku adeega sida saxda ah iyo  ilaalinta anshaxa iyo asluubta fiican.

Intaasi ka dib waxaan doonayaa in aan wax yar ka idhaahdo  xubno xisbiga wadani u matala saxaafada ama warbaahinta.
 
Xubnahaasi waxa kow ka ah  ninka lagu sheego xoghayaha xisbiga  afayeenka cusub  ,gudoomiyaha garabka dhalinyarda mr dhame.
 
Sadexdan nin ama xubnood aan u daadago ujeedada aan magacooda u soo qaatay.
 
Mar walba sedexdan xubnood way ka wada hadlaan warbaahinta  si is dhexyaac ah ama aan




is ogaynba.
 
Sedexdan xubnood malahan aqoon  iyo khibrad siyaasadeed ama mid dowladeed toona.
 
Sedexdan xubnood ma yaqaanan waxan  ay ka hadlayaan .
 
Sedexdan xubnood way ku yartahey aqoontooda iyo garaadkooda  nololeed  dowladnimada iyo xisbinimada iyo shaqada  ay hayaanba waa mid  aanay fahmin
Sidaasi daraadeed waa in  jiidhaan meel walba.
 
Hadaba maxaa la gudboon dowlada iyo shacabka somaliland marka ay warbaahinta tagaan dad dalkan iyo  umadan himiladeed ceeb  iyo dhagxumo  u keenaaya? Ma tahayse  in  talaabo xaga anshax ah laga qaadaa oon loo eegin waa xisbi iyo waa   caynkaasi.
 
Sababta aan sidaasi u leeyahay waxa weeye qofku marka uu dal iyo siyaasadiisa ka hadlaayo maahan in uu sidii makhaayadaha uu uga hadli jiray uu uga hadlaa waa in uu yaqaan waxa uu ka hadlaayo.
 
Ugu danbey xisbiga wadani warbaahinta haw dirsadaan dad leh aqoonteeda iyo khibradeeda maahan in ay Tv-yada keenaan dad aan fahansaneyn waxa ay ka  hadlayaan.
 
Qore: Tahir hussein

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.