Guddida Doorashooyinka Dalka Itoobiya Oo Shaaciyey Magacyada Afar Xisbi Oo Ay diwaan Geliyeen.


(Hadhwanaagnews) Sunday, February 10, 2019 07:41:31
Guddida Doorashooyinka Dalka Itoobiya Oo Shaaciyey Magacyada Afar Xisbi Oo Ay diwaan Geliyeen.

Addis Ababa(HWN):-Guddida doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa shaaciyey afar xisbi siyaasadeed oo si rasmi ah loo diwaan geliyey kuwaas oo helay shahaadada aqoonsiga.

War ka soo baxay guddida doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in xisbiyada kala ah National Movement Of Amhara iyo xisbiga Unity and Democracy  iyo sidoo kale xisbiyada heer maamul goboleed ee kala ah Qemant Democratic Party iyo Gambela People’s Liberation Movement ay buuxiyeen xogihii muhiimka ahaa ee looga baahnaa isla markaana ay helaan ogolaanshaha ay kaga qayb galayaan doorashooyinka.

Sidoo kale guddida doorashada ayaa sheegtay in dib u habayn lagu waday guddida ay keentay dib u dhaca ku yimid nidaamka




lagu diwaan gelinayo xisbiyada siyaasada ee dalka Itoobiya.

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.